4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 14, 2015
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Maanta Meel-mariyay Sharciga la Dagaallanka Argagaxisada


Khamiis, May 14, 2015 (HOL) — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Somalia oo maanta ku shiray Muqdisho ayaa dood dheer kaddib ansixiyey Sharciga La-dagaalanka argagixisada oo baarlmaaanka Soomaaliya dib ugu soo celiyay xukuumadda si isbedello loogu sameeyo.

Afhayeenka Xukuumadda Somalia, Ridwaan Xaaji C/weli ayaa Saxaafadda uga Warramay muhiimadda uu leeyahay sharcigan leeyahay. “Sharcigan ahmiyad gaar ah ayuu u leeyahay amniga dalka oo dhan, si looga hortago kooxaha argagixisada ah, waxaana sharcigan dib loogu soo celiyay xukuumadda, mar kale ayaana loo gudbin doonaa baarlamaanka si ay u meel mariyaan.”

Sidoo kale, golaha wasiirrada ayaa shirkooda uga hadlay sidii Qaxootiga ka imaanaya dalka Yemen wax loogu qaban lahaa, iyadoo tiro badan oo ka mid ah Qoxootiga kasoo Cararaya Yemen ay gaareen Somaliland iyo Puntland.

“Waxyaabaha kale ee laga hadlay kulanka waxaa ka mid ah Qoxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Kenya dhawaan wasiir-u-dowlaha Arrimaha Gudaha Somalia ayaa tagay Dhadhaab iyo Kismaayo, Waxaana la isla-gartay in wax laga qabto Waxayaabaha ay ka Cabanayaan Qoxootiga. Dabcan Xaaladda Qoxootiga Yemen ku Xayiran ayaa laga hadlay iyadoo lagu wado in maalinta Isniinta ah soo socoto ay 145-qof oo Qoxootiga Yemen ay Muqdisho soo gaarsiiso diyaarad lagu keeni doonaa; dowladda Soomaaliya ayaana soo dhaewyn doonta,” ayuu ku yiri hadalkiisa afhayeenka xukuumadda Somalia.

Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ayaa Markii ugu Horreysay si toos ah Dood uga Yeeshay barista dambiyada dalka ka dhaca sidii loo cadeyn lahaa, kaasoo sahlaya Qalabka carsiga ah ee wax lagu baaro inay helaan hay’adaha baarista, iyadoo golahu ay ogolaadeen lacag lagu horumarinayo qalabkaas lagu baaro dambiyada iyo dadka geysta.

“Golaha Wasiirrada waxay isla garteen in la bixiyo 100,000 oo Doollar oo lagu Horumarin doona qalabka lagu baaro dambiyada, sida Kufsiga, Dilalka iyo Dambiyada kale ee dalka ka dhacaya, iyadoo tababarrada ciidamadana la horumarin doono, si looga hortaga dambiyada, waana arrin guul u ah Soomaaliya,” ayuu intaas ku daray afhayeenka xukuumadda.

Ugu dambeyn, Kulanka Golaha Wasiirrada ayaa la Horkeenay Warbixin ay Amniga Dalka kasoo Diyaarisay Wasaaradda Amniga Gudaha, Waxaana lagu Faahfaahiyay in Ciidamada Amniga ay ku guuleysteen howlagallo badan oo ay ka sameeyeen Gobollada Dalka iyo ka hortagga miinooyinka, waxaana lagu ammaanay dadaalka ay ciidamadu muujiyeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya