4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 14, 2015
Iiraan oo Xaqiijisay in 14 Muwaadiniinteeda ka mid ah ay Gacanta u Galeen Xarakada Al-shabaab

Khamiis, May 14, 2015 (HOL) — Dowladda Iiraan ayaa xaqiijisay in 14 kalluumeysato oo reer Iiraan ay gacanta ku dhigtay Xarakada Al-shabaab ee Somaliaay, kaddib marii doonidii ay wateen ay shalay ku caarisay xeebaha Gobolada Dhexe ee Somalia.

Kalluumeysatan ayay dooni kula caarisay xeebta deegaanka Cigo oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, iyadoo la sheegay in doonidu ay ciladi gashay.

Inkastoo aysan Al-shabaab ka hadlin kalluumeysatadan u dhashay Iiraan ee ay gacanta ku dhigeen, ayaa haddana xubno ka tirsan ururka Al-shabaab ee ku sugan deegaanka Cigo ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen 13-ruux oo u dhashay dalka Iiraan.

Wararka laga helayo deegaanka Cigo ayaa sheegaya in 14-ruux ee dalka Iiraan u dhashay xalay la geeyay deegaanka Galhareeri oo ka mid ah kuwa ay Al-shabaab ka taliso ee ku yaalla gobolka Galgaduud.

Lama oga sida ay ka yeeli doonto Al-shabaab kalluumeysatadan reer Iiraan ee gacantooda ku jira. Iyadoo Al-shabaab ay horay sidan oo kale ugu qabteen deegaan ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe shaqaale uu Markab kula soo caariyay xeebta.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya