4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 14, 2015
WARBIXIN: Dagaalo weli ka socda Bujumbura & Idaacada dowladda oo Hawada kusoo Laabatay


Khamiis, May 14, 2015 (HOL) — Dagaallo ayaa weli ka socda magaalada Bujumbura ee caasimadda dalka Burundi, kuwaasoo u dhexeeya ciidammo daacad u ah Madaxweyne, Pierre Nukurunziza iyo icidammo daacad u ah Jen. Godefroid Niyombare oo shalay ku dhawaqay inuu af-gambiyay madaxweynaha.

Afhayeen u hadlay Xoogagga Daacadda u ah Nkurunziza ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan idaacadda dowladda, ayna dib hawada ugu soo laabatay, markii muddo kooban hawada laga saaray manta barqadii.

“Muddo kooban ayaan hawada ka saarnay idaacadda, waayo dagaallo culus ayaa ka socda hareeraha dhismaha idaacadda,” ayaa lagu yiri war Raadiyaha dowladda taageera laga sii daayay, iyagoo intaas ku daray. “Dagaallada weli waa socdaan, balse idaacaddu si caadi ah ayay howsheeda u wadataa.”

Goob-joogayaal ku sugan Bujumbura ayaa Warbaahinta Caalamka Qaarkeed u sheegay in dagaalladu ay ka socdaan Agagaarka madaxtooyada iyo dhismaha idaacadda, inkastoo uu hawada ka maqan yahay Telefishinkii ay dowladdu maamulaysay.

Sidoo kale, wararka ayaa intaas ku daraya in garoonka diyaaradaha dalkaas ay gacanta ku hayaan taageerayaasha Jen. Niyormbare ayna gellinkii dambe ee diyaarado xamuul wada ka duuleen.

Madaxweyne ku xigeenka Burundi, Federica Mogherini ayaa la sheegayaa in uu ku sugan yahay madaxtooyada Bujumbura, isagoo dalbaday in dagaalka la joojiyo, lana xushmeeyo heshiiskii nabadeed eee sannadkii 2005-kii lagu saxiixay magaalada Caruusha ee dalka Tanzania.

Dhanka kale, Wakiillada Caalamka ee ku sugan caasimadda Burundi ayaa war-saxaafadeed ay wadajir u soo saareen ku dalbaday in dagaallada socda la joojiyo, iyagoo dhinacyada ugu baaqay inay xushmeeyaan deggenaashaha dalka Burundi.

“Waa in laga fikiro amaanka muwaadiniinta Burundi, taasoo ah arrim muhiim  badbaadada shacabka xaaladduna waa inaysan gacanta ka bixin,” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka. Iyagoo intaas ku daray inay rajeynayaan in dagaalka Burundi uu istaago, khilaafkana lagu xalliyo wadahadal iyo nabad.

Iyagoo intaas ku daray. “Dhammaan dhinacyada siyaasadeed ee ay colaaddu u dhexeeyso waa inay ku dadaalaan sidii aanay u burburi lahayn horumarkii uu wadankoodu sameeyay sannadihii lasoo dhaafay.”

Mar ay ka hadleen Doorashooyinka ay Rabshaduhu ka dhasheen ayay Xuseen inay tahay inay ku dhacaan si nabadi ay ku jirto, waxayna War-saxaafadeedkooda ku sheegeen inay soo dhaweynayaan dadaalka lagu raadiyo midnimada dalka Burundi iyo hakinta xiisadaha siyaasadeed ee colaadda isku bedelay.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Burundi, Pierre Nkurunziza ayaa la sheegay inuu ku sugan yahay magaalada Kampala ee dalka Uganda, kaddib markii uu ku laaban waayay xarunta dalkiisa ee Bujumbura.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya