4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 14, 2015
Shirkada Isgaarsiinta GOLIS oo Garoowe kusoo Bandhigtay Adeega Cusub ee TAAJ (SAWIRRO)


Khamiis, May 14, 2015 (HOL) — Shirkadda Isgaarsiinta Golis ayaa maanta ku daah-furtay xarunta Puntland ee Garoowe adeegga Xawaaladda TAAJ, waxaana xafladda lagu soo ban-dhigayay oo lagu qabtay hoolka jaamacada bariga Afrika ka qayb-galay madaxda shirkadda.

“Waxaan dadaal ugu jirnay sidii aan TAAJ uga hirgalin lahayn deegaanada Puntland, waana adeeg u sahalaya dadka in lacagahooda loogu soo diro taleefoonnada gacanta ee Mobiles-ka ah, ayuu yir Maamulaha Shirkadda Golis Maxamuud Ismaaciil aw Cismaan oo ka hadlayay kulankii maanta.

Xafladda Daah-furka Adeegga TAAJ, Waxaa kaloo kazoo Qayb-galay Madaxda Maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garowe,Ganacsato iyo qaar kamid ah mas'úuliyin horey  xilal uga soo qabtay Puntland oo u ku jiro guddoomiyihii hore ee gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey).

“Adeegyada kale ee shirkaddu ay soo kordhisay waxaa ay kala yihin , Video Calling,  E-deposit iyo Out bank deposit ,waanad la socotaan in aysan horey uga jirin deegaanadan “ayuu mar kale yiri maamulaha.

Hoggaanka Ganacsiga Shirkadda GOLIS, Cumr Ciise Maxamed (Faaruuq) oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in shirkaddu ay kordhisay xiriirka wada shaqayn ee ay la leedahay macaamiisheeda ,waxaana uu ka dalbaday shacabka in ay isticmalaaan adeega TAAJ.

Intii lagu jiray soo bandhigida adeegyadaan waxaa shirkada Golis ay bixisay abaal marino baqtiyaa nasiib ah oo loogu tala-galay in lagu xoojiyo xiriirka shirkadda iyo macaamiisheeda sida uu sheegay maamulaha Shirkadda Golis ee gobolka Nugaal.

Ugu danbayn ,shirkadda Golis oo Puntland ka howl-galaysay in muddo ah ayaa bilo ka hor soo bandhigtay adeegyada kala Hoodo, Kaaftoon iyo waliba Xog-maal oo dhamaantood loogu tala-galay inay isticmaalaan macaamiisha shirkadda.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]