4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 14, 2015
GUDDI loo Saaray Xallinta Colaada Deegaanka Deefoow ee Gobolka Hiiraan (SAWIRRO)


Khamiis, May 14, 2015 (HOL) — Iyadoo laga amba-qaadayo shirka dib-u-hishiisiinta ee ka socda magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, ayaa Fadhigiisii maanta Waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray Colaadda Deegaanka Deefoow ee gobolka Hiiraan oo ay ka dhaceen dagaallo sababay dhimasho dhaawac iyo bur bur hantiyeed.

Shirkii maanta oo ay ka Qeyb-galeen Xildhibaanno iyo Siyaasiyiin ayaa si Qoto-dheer looga wadda hadllay soo afjarida colaada labada beelleed ee deegaanada Deefoow iyo Kabxanley.

Nabaddoon Axmed C/lle Jimcaale oo ah guddoomiyaha guddigan hoggaaminaya ayaa xusay in loo saaray xalinta khilaafka labada-beelood guddi isku dhaf ah oo ka soo shaqeeya sidda ugu sahlan ee loo sii anba-qaadi karo wadda hadallo dhaxmara waxgaradka labada dhinac.

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya, Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre oo ka hadlay shirka ayaa xusay in wax lagu farxo tahay mar walba hishiis dhaxmara beelo deegaan wadaag ah, isaga oo guul u rajeeyay guddiga arrintan loo saaray.

Shirweynaha dib-u-hishiisiinta ah ee ka soconaya magaalada Beledweyne ayaa xiligan u muuqda mid ku tallaabsanaya guul wax ku ool ah, madaama durbaba ay jiraan beello ka hishiiyay intii uu shirku socday khilaafaad horay uga dhax jiray.

Xildhibaannada maanta shirka ka qeyb-gallay ayaa waxaa ka mid ahaa xildhibaan C/llaahi Goodax Barre, xildhibaan Nuur Iidoow Beylle, xildhibaan Max'ed Cumar Macaloow, xildhibaan C/qaadir Sheekh Xanafi, xildhibaan Max'ed Max'uud Guure, xildhibaan Daahir Xassan Cabdi   iyo siyaasiga Cilmi Faarax Wabi oo dhamaantood ku sugan magaalada Beledweyne.

Waxaa siddoo kale kulankii maanta ka qeyb-gallay mas'uuliyiinta maamulka heer gobol iyo Degmo oo Qaarkood hadallo ka jeediyeen shirka ayaa soo dhaweeyay in la bilaabo wadda hadal dhaxmara beellaha ku dagaallamay deegaanka Deefoow.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya