4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 14, 2015
Magaalada Baydhabo oo Maanta lagu AASAY Aasaasihii Isboortiga Gobolka Bay (SAWIRRO)


Khamiis, May 14, 2015 (HOL) — Degmada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa waxaa maanta ku geeryoodey Ababihii Isboortiga Gobalka Bay Cali Cumar Saciid (Cali Shaamboo), Sidoo kalena ka mid ahaa ahaa mas’uuliyiinta Isboortiga Gobolka, waxaana lagu aasay Qabuuraha Wegarra ee degmada Baydhabo.

Aaska marxuumka Waxaa ka Qayb-galay Dhammaan Ciyaartooyda Gobolka Bay, Aqoon-yahannada iyo Dhallinyarada, iyadoo marxuumku ahaa ruux isku keeni jiray dhallinyarada kuna dhiirri-gelin jiray inay kubadda cagta ciyaaraan.

Baydhabo ayaa Waxaa hadda ka dhisan 30-kooxood oo kuwa Kubadda Cagta ah, isagoo ka qaatay qayb weyn sameynta kooxahan oo kooban kala duwan ku tartama sannad walba.

Sidoo kale, marxuumku wuxuu ahaa qof dabeecad wanaagsan oo ay jecel yihiin dhammaan dhallinyarada ka tirsan kooxaha kala duwan ee kubadda cagta.

Dhallinyarada Baydhabo ayaa maanta qayb weyn ku lahaa aaska ballaaran ee loo sameeyay Marxuum Cali Shaambow, iyadoo aaskiisa mas’uuliyiintii ka hadlay ay ka Sheekeeyeen taariikhdiisa isboorti.

Hiiraan Online, Baydhabo