4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 14, 2015
Dalladaha Waxbarashada oo Sheegay inaan Xilligaan la Qaadi karin Imtixaan Mideysan (SAWIRRO)


Khamiis, May 14, 2015 (HOL) — Kulan ay Maanta Muqdisho ku Yeesheen Dalladaha Waxbarashada Dalka oo ka koobnaa 12 dalladood ayay uga hadleen soo gaba-gabeynta Sanad-dugsiyeedka 2014/2015 iyo xaaladda Waxbarasho ee Dalka iyo Aragtidooda ku aaddan in Imtixaan midaysan laga qaado iskuulada waxbarashada Soomaaliya, waxayna sheegeen inaysan xilligan suuro-gal ahayn in imtixaan mideysan laga qaado iskuulada dalka, duruufo jira awgood.

Waxaa kulanka ka hadlay, Maxamed Cali oo ka socday Dalladda SAFE ayaa sheegay in muddo 25-sano ah ay gacanta ku hayeen Waxbarashada Dalka, isagoo xusay inaysan maanta ogolaan doonin in loo gacan-dhaafo howlaha Waxbarashada ay mudadaas soo wadeen isagoo yiri. “Arday loo barbaariyay hannaan Waxbarasho loona sameeyey Manhaj uu wax ku barto marka ay Wasaaradda intaas sameeyso ayay ka hadli kartaa arrimo Waxbarasho.“

Sidoo kale, waxaa kulanka ka hadlay waxaa ka mid ahaa Muxyadiin Cumar Jimcaal oo ka socday Dalladda FPENS isagoo sheegey in arrimo fara badan oo jira awgood aysan suuro-gal ahayn in xilligan la qaado Imtixaan mideysan, sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay inay arintaan kala hadleen Wasaaradda waxbarashada iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowadda Somalia iyo baarlamaanka; isagoo xusay inay u gudbiyeen aragtidooda ku aaddan in la qaado Imtixaan mideysan.

“Haddii aan nahay Bulshada Rayidka ah waxaan diyaar u nahay inaan idiin la abaabulno bannaanbxyo ku aaddan in xiligaan aysan suuropgal ahayn in la qaado Imtixaan mideysan,“ ayuu yiri, C/qaadir Ibraahin Gacal (Abkow) oo ka socday Bulshada Rayidka, isagoo u soo jeediyay Dalladaha Waxbarashada dalka inay isku duubnaandaan oo ay iska ilaaliyaan kuwa doonaya inay kala qaybiyaan.

Diini Axmed Diini oo ku hadlayey magaca SOSCENSA ayaa isna ka sheegay kulanka in mar la fiiriyo Caalamka aysan wax shaqo ah ku lahayn dowladuhu Waxbarashada gaar loo leeyahay, balse waxay u jeedin karaan talooyin ku aaddan hannaanka goobaha laga dhisayo dusgiysada waxbarashada iyo wixii kale ee ay dowladda uga baahan yihiin. Isagoo intaas raaciyay in Dalladda SOSCENSA ay cabashadooda gaarsiin doonaan baarlamaanka iyo mas’uuliyiinta sare ee dowladda Somalia.

War-saxaafadeed laga soo saaray kulanka ayaa waxaa halkaas ka akhriyey, Aweys Shiikh Maxamed oo yiri. “Waxaa cad oo la wada og-yahay doorka muhiimka ah ee ay Dalladuhu kaga jiraan waxbarashada iyo kobcinta maskaxda ubadka Soomaaliyeed, kuwaasoo muddo rubuc-qarni ah ku hayay gacanta waxbarashadooda, taasoo suuro-gelisay in dalka maanta laga heli karo heerka waxbarashada laga billaabo xannaanada carruurta illaa PHD.”

Ugu dambeyn, War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Dalladaha iyo guud ahaan bahda Waxbarashada dalka iyagoo xog-ogaal u ah xaalada uu dalku marayo waxay cadeynayaan inaysan suuro-gal ahayn in la qaado imtixaan mideysan sababaha soo socda aawadood;

1. Xaaladda nabadgeliyo ee dalka ka jirta aawgeed.
2. Iyadoo aysan jirin diyaargarow ku filan oo imtixaan mideysan lagu qaadi karo.
3. Iyadoo uusan weli jirin xeerkii waxbarashada gaarka loo leeyahay.
4. Iyadoo uusan jirin Manhaj mideysan oo dhameystiran.
5. Imtixaanka oo hal mar aan wada-gaari karin meelaha ay Iskuuladu ku yaalaan.
6. Iyadoo uusan jirin imtixaan mideysan oo ay Wasaaradda iyo Dalladaha ku heshiiyeen.

Ugu dambeyn, Dugsiyada Dalladaha Waxbarasho ee dalka ayaa gaaraya 817 dugsi kuwaa oo isugu jira Hoose /Dhexe/Sare iyo kuwo xirfadeed ardayda dhameysatay daraasadda Wabarashada ee Sannad Dugsiyeedka Waa; 287.000 arday oo 131,000 oo ka mid ah ay yihiin Gabdho.

Si kastaba ha ahaatee, dalladaha ayaa waxaa warbixintooda kusoo beegeen xilli ay shalay wasaaradda Waxbaashada Somalia sheegtay inay 30-ka May oo ah bishan qaadi doonto imtixaan mideysan Dugsiyada Sare ee Dalka ku yaalla.

Dalladaha kulanka ka qaybgalay waxay kala ahaayeen:

01. SAFE        Schools Association for Formal Education
02. FENPS      Formal Education Network for Private Schools
03. SOFEL      Somali Formal Education Link
04. SOFE        Schools Organization for formal Education
05. FPNES      Formal Private Education Network in Somalia
06. SOFEN      Somali Formal Education Network
07. SOFPEN    Somali Formal Private Education Network
08. ABUHA      Academic Private Education Umbrella in Horn Africa
09. SEDA        Somali Education Development
10. MEU          Al ma’ m un Education Umbrella
11. SNEFA       Somali Network Education For All
12. SONI         Somali Network Institute

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya