4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 14, 2015
DAAWO: Ku xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo Kismaayo Gaaray


Khamiis, May 14, 2015 (HOL) —Wafdi ballaaran oo uu hogkacayo kuxigeenka wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Raysadhon Sanayga ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose, iyadoo wafdigan ay si diiran usoo dhaweeyeen madaxweeynaha Jubbaland iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada.

Wafdiga ayaa hoolka shirarka madaxtooyada Jubbaland kulan ay saxaafaddu dibadjoog ka ahayd kula qaatay madaxweeynaha Jubbaland iyom xubno ka tirsan golihiisa wasiirada, waxaana markii ay kulamadu soo dhamaadeen si wadajir ah saxaafadda uga warbixiyay madaxweeynaha Jubbaland iyo kuxigeenka wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Madaxdani ayaa waxa ay sheegeen in kulamadoodii ay uga wada hadleen arimo ay kamid yihiin sidii loo dardar gelin lahaa dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab, arimaha dib u heshiisiinta iyo weliba sidii loo dhisi lahaa ciidamada qaranka Soomaaliya (SNA).

Ku xigeenka wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Raisadon Sanaiga ayaa dhankiisa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay horumarka ka muuqda magaalada Kismaayo, isagoo xusay in intii uu soo dhexmarayay magaalada uu ku arkay horumar baaxad leh oo dhanka dhismaha ah, waxa uuna sheegay in ay u yimaadeen sidii maamulka Jubbaland ay ugu boorin lahaayeen dardar gelinta nabadda, horumarka iyo la dagaalanka Al-shabaab.

Booqashada wafdiga ka socda Qaramada Midoobay uu ku yimid magaalada Kismaayo ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhawaan la caleemosaaray gudoonka Baarlamanka cusub ee Jubbaland.



Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.