4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 14, 2015
FAAHFAAFHIN: Dagaallada ka Socda Burundi iyo Pierre Nkurunziza oo ku Baaqay Xasillooni


Khamiis, May 14, 2015 (HOL) — Iyadoo iska-horimaadyo ay xalay illaa saaka ka socdeen caasimadda dalka Burundi ee Bujumbura ayaa wararka soo baxaya waxay sheegayaan inuu ku sugan yahay madaxweyaha dalkaas, Pierre Nukurunziza magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda kaddib markii uu ku noqon waayay dalkiisa.

Madaxweynaha Burundi ayaa shalay dib ugu laaban waayay dalkiisa, kaddib markii uu shir kaga qeybgalay dalka Tanzania, iyadoo taliyaha ciidamada dalkaas uu ku dhawaaqeen inay xukunka ka tuureen madaxweynaha maqan.

Fariin lagu soo daabacay baraha bulshada iyo Twitter-ka gaarka ah u ah Nkurunziza ayaa lagu sheegay in wax walba loo sameeyay sidii nabad iyo kala dambeyn loogu soo dabaali lahaa Burundi.

Cadaadisyo caalami ah ayaa socda, kuwaasoo lagu doonayo in lagu soo af-jaro Qalalaasha siyaasadeed ee dalkaas ka jira, iyadoo Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay lagu wado inay maanta kulamo ka yeeshaan xiisadaha ka taagan dalkaas.

Dagaallo goos-goos ah ayaa ka socdaa magaalada Bujumbura, kuwaasoo u dhexeya ciidan daacada u ah madaxweyne Pierre Nkurunzinza iyo kuwa taageersan millateriga af-gambiga ka sameeyay dalkaas.

Inta badan dagaalka wuxuu ka dhacayaa meel u dhow telefishinka Qaranka iyo Raadiyaha dowladda taageera, kuwaasoo la sheegay inay Gacanta ku hayaan Ciidammo Daacad u ah Madaxweynaha dalkaas, iyadoo TV-gii dalkaasna uu hawada ka baxay.

Pierre Nkurunziza oo ku sugan Uganda ayaa barahiisa Buslahada lasoo geliyay gelinkii hore ee maanta inuu isku-dayga Af-gambi ahaa mid qiyaali ah, isagoo ku goodiyay in kuwa isku-dayga afgambi sameeyay sharciga la horkeeni doono.

Wararka laga helayo Bujumbura ayaa sheegaya in ciidammo daacad u ah madaxweynaha Burundi ay gacanta ku hayaan Madaxtooyada, TV-ga Qaranka iyo Raadiyaha, Garoonka diyaaradaha iyo goobaha ugu muhiimsan Bujumbura.

Blasé afhayeen u halday hoggaamiyaha af-gambiga sameeyay ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan inta badan caasimada Bujumbura iyo xarumaha ay dowladdu leedahay.

Wadooyinka magaalada Bujumbura ayaa saaka cidlo ah, mana muuqdaan calaamado la mid ah kuwii shalay ee dabaal-daga ahaa iyo isku soo baxyadii ay dhiganayeen Shacabka kasoo horjeeda madaxweynaha dalkaas.

Ugu dambeyn, dowladda Maraykanka iyo ururka Midowga Yurub ayaa sheegay inay kor-meerayaan xiisadaha dalkaas ka taagan, waxayna ku baaqeen daganaansho iyo in la soo af-jaro rabshadaha.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya