4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 14, 2015
Dagaalo ka bilowday Magaalada Bujumbura ee Dalka Burundi Kadib Af-gambigii dhacay Shalay


Khamiis, May 14, 2015 (HOL) — Iska-horimaad culus ayaa maanta ka socda magaalada Bujumbura ee xarunta dalka Burundi, kaddib markii millaterigu ay shalay shaaciyeen inay afgambiyeen madaxweynaha dalkaas, Pierra Nukurunziza oo shir uga qaybgalayay dalka Tanzania.

Nkurunziza ayaa ku dhiirran waayay inuu dib ugu laabto caasimada dalkiisa, isagoo ka baxay in la dilo ama la qabto, waxaaan afgambigan cambaareeyay madaxda dalalka Bariga Afrika ee shirka ku lahaa Tanzania.

Goobjoogayaal ku sugan caasimadda Burundi ayaa sheegaya in dagaalku uu xooggiisa ka socdo xarunta madaxtooyada iyo dhismaha telefishinka dalkaas uu leeyahay, iyadoo wararku ay sheegayaan inay dagalladan ay yihiin kuwo u dhexeeya ciidammo daacad u kala ah Nkurunziza iyo xubnaha afgambiga sameeyay.

“Xabadaha waan maqlaynaa… waa rasaas aad u xooggan oo qoryaha culus iyo kuwa fudud isugu jirta… madaafiicna way dhacaysaa,” ayuu yiri mid ka mid ah hoggaanka ururrada bulshada rayidka ah ee dalka Burundi oo lagu magacaabo, Pacifique Nininahazwe.

Isagoo intaas ku daray. “Waxaan u maleynayaa in Ciidammo Daacad u ah Madaxweynaha Burundi ee la sheegay in la afgambiyay a isku dayayaan inay mar kale la wareegaan xarunta madaxtooyada iyo idaacadda.”

Wararka ayaa iyaguna sheegaya in Xalay oo dhan magaalada Bujumbura laga maqlayay rasaas la is-weydaarsanayo, kaddib markii uu shalay idaacad ku taalla caasimadda Burundi uu kaga dhawaaqay Jen. Godefroid Niyombare in xukunka laga tuuray Nkurunziza oo uu ku eedeeyay xadgudub dastuurka ah.

Ugu dambeyn, Xaaladda Caasimadda Burundi ayaa ka duwan saakay sidii ay ahaan jirtay, iyadoo waddooyinka magaaladaas ay yihiin kuwo maran, dadkuna ay ku sugan yihiin gur-yahooda, lamana oga sida uu xaalku isku bedeli doono.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya