Salaadiin ka Timid Gobolka Gedo oo Kismaayo lagu soo dhaweeyay [Sawirro]
Isniin, Maarso 02, 2015 (HOL) —Wafdi ballaaran oo uu horkacayo ugaaska Beesha Sade Ugaas Max’ed Xasan Yaroow ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo iyadoo wafdiga uu kasoo kicitimay magaalada Dooloow ee xarunta gobolka Gedo.
Wafdiga ayaa markii uu kasoo dagay garoonka Kismaayo waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay masuuliyiin ay kamid yihiin wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Mudane Max’ed Warsame Faarax Darwiish, Afhayeenka maamulka Jubbaland C/naasir Seeraar Maax, odoyaal gdhaqameed iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada reer Kismaayo.
Soo dhaweyn kadib ayaa waxaa saxaafadda la hadlay afhayeenka maamulka Jubbaland C/naasir Seeraar Maax kaasoo sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin in maanta ay magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyaan Ugaaska Beesha Sade iyo wufuudda kale ee gobolka Gedo ka timid, isagoo xusay in hadda wixii ka danbeeyo la ambaqaadi doono howlaha u harsan maamulka Jubbaland.
Ugaas Beesha Sade Ugaas Max’ed Xasan Yaroow oo isna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in magaalada Kismaayo ay u yimaadeen sidii ay uga qeybqaadan lahaayeen dhameystirka maamulka gaar ahaan golaha baarlamanka Jubbaland ee la filayo in dhawaan la yagleelo, isagoo xusay in ka odoyaal ahaan ay kaalintooda ka qaadan doonaan dhismaha maamulka goboleedka Jubbaland.
Imaatinka wafdigan ayaa kusoo beegmaya xilli madaxweeyne kuxigeenka Jubbaland C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag uu ku suganyahay degmada Dooloow ee gobolka Gedo halkaasoo uu ka wado kulamo ku aadan dhismaha baarlamanka Jubbaland.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya
More News
- SAWIRRO: Wafdigii uu hoggaaminayo Wasiirka Difaaca DF ee gaaray Guriceel
- Is-rasaaseyn ciidanka amniga Somaliland & shacab ku dhexmartay Hargeysa
- Dowladda Somalia oo Qabsoomid la’aanta Shirka Turkiga ku eedeysay Wafdiga Somaliland
- Kulan looga hadlay daryeelka caafimaadka Hooyada oo Muqdisho lagu qabtay
- Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo xukunno kala duwan ku ridday Askar
- TARSAN: Kuwa Wadooyinka Muqdisho Biraha ku Xiraya ujeedo ayay leeyihiin
- Wasiirka Difaaca Soomaaliya iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Gaaray Guri-ceel
- WARAN-CADDE: Ma aanan filayn in DFS ay soo dirsato Xubno aan Meteli karin
- Natiijada Imtixaannada Dugsiyada Sare Kenya oo la filayo in berri la shaaciyo
- Wariye loo Magacaabay Afhayeenka Madaxweynaha KMG ee Koonfur Galbeed
- La-taliyihii Siilaanyo ee Arimaha beelaha laga tirada badan yahay oo iscasilay
- Kulan looga hadlayay la-dagaalanka Qaadka oo Qardho lagu qabtay (Sawirro)
- Al-shabaab oo ku Hanjabtay inay Weerarayso Dhismaha Baarlamaanka Kenya
- Muran ka Taagan Wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland ee dalka Turkiga