BIIXI: Shirka waan ka baxi haddii ay soo fariistaan Xubno reer Somaliland ah


Axad, Maarso 01, 2015 (HOL) — Wadahadallada dowladda Somalia iyo Somaliland ayaa maanta la filayaa inay ka furmaan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, kafdib markii ay gaareen dalkaas wufuud dhinacyada ka kala socota.

Labada wafdi ayaa xalay kuwada casheeyay hotelka ay deggen yihiin, iyadoo si rasmi ah maanta loo gudo-geli doono ajandayaasha wadahadallada labada geesood, kaasoo ka duwanaan doona kuwii hore.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in wadahadalladan oo muddo soo socday, uu rajo weyn ka qabto in loo gudbo ka hadalka arrimaha masiiriga ah.

“Wadahadallada muddo ayay socdeen, midkii u dambeeysayna waxay ahayd 21-kii December sanadkii hore oo labada madaxweyne ay ku kulmeen dalka Jabuuti, halkaasoo ay ku kala saxiixdeen heshiis uu qodob ka mid ah ahaa in arrimaha masiiriga laga wada hadlo,” ayuu yiri Yoonis.

Sidoo kale, Biixi ayaa sheegay inaanay aqbali doonin in xubnaha kasoo jeeda Somaliland ee ka tirsan dowladda Somalia ay shirka soo fariistaan, isagoo tilmaamay in haddii ay taasi dhacdo ay shirka ka baxayaan.

“Marna ogolaan mayno in dad reer Somaliland ah ay shirka soo fariistaan, iyagoo matalaya dowladda Soomaaliya,” ayuu mar kale yiri Biixi oo intaa ku daray in dhinacyada ay la hadlayaan ay yihiin Koofur oo keliya, balse aysan la hadli doonin dad deegaankooda kasoo jeeda.

Ugu dambeyn, wafdiga Soomaaliya u matalaya wadahadallada ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, C/raxmaan Odawaa, iyadoo ay xubno ka yihiin wafdiga wasiirada warfaafinta Maareeye, wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada, Cali Jaamac Jengeli, Saciid Qoorshee iyo xubno kale.

Si kastaba ha ahaatee, lama oga waxyaabaha kasoo bixi kara wadahadalkan maanta furmaya, iyadoo durba Somaliland ay ka afeefanayso in shirka laga soo qayb-geliyo xubno kasoo jeeda deegaannadooda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya






Axad, Maarso 01, 2015 (HOL) — Madaxweynaha dalka Zimbabwe, Robert Mugabe isla markaana ah guddoomiyaha sannadkan ee Midowga Afrika ayaa Sabtidii shalay u dabaal-dagay sannad-guuradii 91-aad ee kasoo wareegtay dhalashadiisa.

Axad, Maarso 01, 2015 (HOL) — Magaalada Mombasa ee xarunta gobalka Xeebta dalka Kenya ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay guddomiyaha Xisbiga isbahaysiga isbedel-doonka Soomaaliyeed ee XIIS, C/llaahi Ciil-mooge Xirsi oo booqasho ku joogo Kenya.

Axad, Maarso 01, 2015 (HOL) — Taliyihii Ilaalada Canshuuraha Maamulka Puntland ee gobolka Mudug, Duraan Cumar Geele (Qaylo) ayaa maanta lagu dilay qarax loogu xiray gaarigiisa.

Axad, Maarso 01, 2015 (HOL) — Milkiilaha idaacadaha Shabelle iyo SKY FM, C/maalik Yuusuf Maxamuud iyo saddex wariye oo laba ka mid ah ay ka mid ahaayeen wariyeyaasha Shabelle iyo SYK FM ayaa maanta ganaax lacageed la dul-dhigay.

Axad, Maarso 01, 2015 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland iyo xubno kale ayaa maanta hor-yimid maxkamad Islaami ah oo ka furantay duleedka magaalada Taleex ee gobolka Sool.

Axad, Maarso 01, 2015 (HOL) — Wareeggii sideedaad ee wadahadallada dowladda FS iyo maamulka Somaliland ayaa goor-dhow ka furmaya magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, iyadoo si toos ah isku hor-fariisan doonaan wafuudda labada dhinac ka kala socda.

Axad, Maarso 01, 2015 (HOL) — Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa laga dhoofiyay maanta 13-ruux oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee bishii hore ka dhacay Hoteelka Centarl ee Magaalada Muqdisho.

Axad, Maarso 01, 2015 (HOL) —Dowladda Somalia ayaa sheegay inay u dirtay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha, C/raxmaaan Maxamed Xuseen (Odowaa), wafdigaas oo ka kooban wasiirro, xildhibaanno iyo xubno la sheegay inay yihiin kuwo farsamo.

Axad, Maarso 01, 2015 (HOL) — Dib-u-dhac ayaa ku yimid shirkii dhismaha maamulka gobollada dhexe ee qorshuhu ahaa in maanta oo Axad ah 01, Maarso 2015 si rasmi ah uga furmo magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud.

Axad, Maarso 01, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Koonfur-galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Adan ayaa wuxuu maanta dhagax-dhigay isbitaal loo dhisayo dadka miyirka la' ee magaalada Baydhabo ku nool, iyadoo uu wehliyay wasiirka caafimaadka, Isaaq Cali Subag, wasiirka Amniga C/fataax Geesey, xil. Ibraahim Yaroow, xil. Yacquub Maxamed Cali iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka degmada iyo kan gobolka.

Axad, Maarso 01, 2015 (HOL) — Markab xoolo badan oo Lo’ ah ka qaaday dekedda weyn ee magaalada Muqdisho kuna sii jeeday dalka Imaaraadka Carabta ayaa ku dagay xeebaha Ras Al-had oo ku taalla Koonfur-bari dalka Cumaan.

Axad, Maarso 01, 2015 (HOL) — Maanta ayaa lagu wadaa in markii shanaad la horgeeyo wariyeyaasha iyo milkiilaha Shabeelle maxkamadda gobolka Banaadir, halkaasoo ay ka socotay dacwad ka dhan ah idaacadaha Shabelle iyo SKY FM, iyadoo sidoo kale la hor-kenayo maxkamadda wariye ka tirsan idaacadda Risaala.

Axad, Maarso 01, 2015 (HOL) — Wasiirka waxbarashada & Tacliinta sare ee Somaliland, C/casiis Maxamed Samaale, oo horay u hayay xilka wasiirka maaliyadda Somaliland ayaa iska-diiday xilka uu madaxweyne Siilaanyo ugu magacaabay isku-shaandheyntii uu ku sameeyay xukuumaddiisa.

Somali News

3/1/2015 1:16 PM EST
A city judge in Georgia has in the past eight days barred two Muslim women wearing Islamic headscarves from entering his courtroom, jailing one, and prompting an inquiry from the civil rights office at the US department of justice.

3/1/2015 12:55 PM EST
A crowd has beaten to death a teenage girl accused of planning to be a suicide bomber and then set her body on fire, according to police and witnesses at a north-eastern Nigerian market.

3/1/2015 12:49 PM EST
Trip support group African Open Sky (AOS) opened offices in Djibouti and Burundi last month, taking its network on the continent to more than 50 locations. The move follows the opening of offices in São Tomé and Niger in November.

3/1/2015 12:38 PM EST
MOGADISHU, March 1 (Xinhua) --More than 10 people who were injured in a bomb attack at a hotel in Mogadishu have been flown to the United Arab Emirates (UAE) for specialized treatment since local hospitals do not have the capacity, health minister said Sunday.

3/1/2015 12:14 PM EST
MOGADISHU (HOL) ----A vessel carrying hundreds of cattle exported from Somalia to Saudi Arabia capsized off Omar coast on Saturday after being hit by stormy weather, Arab media reports.

3/1/2015 3:03 AM EST
Victoria Falls, Zimbabwe - Zimbabwean President Robert Mugabe on Saturday celebrated his 91st birthday with a lavish million dollar bash that was slammed by the opposition as "obscene" in a country wracked by poverty.

3/1/2015 2:16 AM EST
WASHINGTON – It’s been exceedingly hard lately for Somali-Americans to wire cash back to families in their homeland after the main California-based bank that facilitated the bulk of the business halted Somalia transfers Feb. 7.

3/1/2015 2:12 AM EST
Egypt’s Minister of Investment Ashraf Salman has announced that Egypt will its plan for the country’s new capital city within weeks.

3/1/2015 2:10 AM EST
Mohamed Farah has testified before Congress, conferred with the State Department and met with the secretary of Homeland Security. Two weeks ago, he was among a select group invited to the White House for President Obama’s counterterrorism summit.

3/1/2015 1:58 AM EST
A group of Somali businessmen in Embalenhle township near Secunda, Mpumalanga, accused the Govan Mbeki municipality of bulldozing their spaza shops.
Click here