Isniin, Juun 29, 2015 (HOL) —Dagaalyahanno ka tirsan xoogagga Al-shabaab ayaa xalay saqdii dhexe weerar qorsheeysan ku qaaday saldhig ay ciidamada maamulka Jubbaland ku lahaayeen halka loo yaqaan Akadeemi oo dhowr km u jirta magaalada Kismaayo islamarkaana kaga beegan dhanka waqooyi.
Dagaal xooggan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa labada dhinac ku dhexmaray halka loo yaqaan Akadeemi, waxaana dagaalkaasi uu sababay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo kala gaaray labada ciidan.
Ma jiraan warar xog-ogaal ah oo qeexaya qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka haseyeeshee masuuliyiin u kala hadashay labada dhinac ayaa guulo ka sheegtay dagaalkaasi, mana jiraan warar ka madax bannaan dhinacyadaasi oo faahfaahinaya khasaaraha uu sababay dagaalkaasi.
Tan iyo intii lagudo galay bishan barakeeysan ee Ramadaan waxaa isa soo tarayay weerarrada ay xarakada Al-shabaab ka geeysaneeyso gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo goobihii ugu danbeeyay ee ay weerarr ka fuliyaan ee gobollada Jubooyinka ay kamid yihiin deegaanada Dhoobleey, Waladeyn iyo weliba degmada Kismaayo oo weerarkii labaad ay xalay ka geeysteen.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya
Al-shabaab oo Weerar ku qaaday xero ciidan oo ku taalla duleedka Magaalada Kismaayo
More News
- Sarkaal ka Tirsanaa Ciidamada ka socda Itoobiya ee AMISOM oo u baxsaday Dhinaca Al-shabaab
- Guddiga Doorashooyinka Madaxweynaha & ku xigeenka Galmudug oo la Magacaabay (Akhriso)
- KENYA: Hoggaamiyaasha Mucaaradka iyo Xukuumadda oo kawada Qayb-galaaya kulanka Kisumu
- Liiska xildhibaanada baarlmaaanka Maamul-goboleedka Galmudug oo Lasoo Dhameystiray
- Xukuumadda Canada oo Soo Saartay Sharciyo Cusub oo la Xiriira Qaadashada Dhalashada Dalkaas
- Marxuumiin ku Geeriyooday Shil Gaari oo Maanta Aas Qaran loogu Sameeyey Magaalada Hargeysa
- Hay'adda Soyden oo Tababar uga soo xirtay Beledweyne Xubno ka tirsan Bulshada (Sawirro)
- Xarakada Al-shabaab oo degmada Saakow ku toogtay xubno ay ku Eedeeyeen inay Jawaasiis yihiin
- Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo isaga baxay Dugsiga Sare ee Degmada Afgooye oo Fariisin u ahaa