3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 20, 2015
Liiska Qaar ka mid ah Xildhibaanada Maamulka Cusub ee Galmudug oo la Shaaciyay (AKHRISO)


Sabti, Juun 20, 2015 (HOL) — Gudigga Farsamadda Maamul u sameynta gobollada dhexe ee Somalia ayaa goor-dhow Shaaciyay 60-xildhibaan oo ka mid ah Golaha Xildhibaannada ee uu maamulkan yeelanayo.

Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) oo ah guddoomiyaha Guddiga Farsamda ayaa ku ammaantay odayaasha dhaqanka sida hufnaanta iyo caddaaladda ah ee ay u soo xuleen qaar ka mid ah Xubnihii baarlamaanka maamulka Galmudug.

“Aad iyo aad ayaan ugu mahad-celineynaa odayaasheenna dhaqanka, dadaal muuqda ayay sameeyeen, waxaa illaa hadda lasoo Gudbiyay 60 Xubnood oo soo buuxiyay Shuruudihii dastuuriga ahaa ee lagaga baahnaa, waxaa harsan tiro aad u yar oo aan ergada ka Codsanay inay kusoo Gudbiyaan ugu dameyn Axadda Berri ah, si ay uga Qayb-galaan Fadhiga ugu horreeya oo Qabsoomi doona Isniinta Toddobaakan,” ayay mar kale tir Xaliimo Yareey oo Warbaahinta kula hadashay degmada Cadaado.

Guddoomiyaha Gudigga Farsamaa ayaa xustay in maalinta Isniinta ah ee nagu soo fool leh la Qaban doono Munaasabadii dhaarinta iyo fariisinta xildhibaanada maamulka Galmudug yeelanayo si ay u gudo-galaan Doorashooyinka.

Ugu dambeyn, xildhibaannadan lasoo gudbiyay magacyadooda ee 60-ka ah ayaa ka mid ah 85-ka xildhibaan ee uu ka koobnaan doono baarlamaanka maamulka cusub ee Gal-mudug, iyadoo xildhibaannada dhimman magacyadooda lasoo gudbin doono maalmaha soo socda, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Guddiga Farsamada.

HADDABA AKHRISO MAGACYADA XILDHIBAANNADA LASOO GUDBIYAY:

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
6/20/2015 5:12 PM EST
Sabti, Juun 20, 2015 (HOL) — Ugu yaraan 15 ka tisanaa Ciidanka Booliiska Somalia ayaa lagu dilay weerar ay xalay Al-shabaab ku qaaday koontarool ay ciidan ku sugnaayeen oo ku yaalla degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose oo 30-km u jirta Magaalada Muqdisho.

6/20/2015 4:48 PM EST
Sabti, Juun 20, 2015 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa Maanta Shaacisay Sawirrada 38-qof oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab ee Somalia oo ku sugan gudaha dalka Kenya, iyadoo ay sheegtay xukuumadda Nairobi inay baadi-goob ku haysay Xubnahan.

6/20/2015 3:51 PM EST
Sabti, Juun 20, 2015 (HOL) — Degmada Cadaado ayaa Maanta lagu Qabtay Munaasabad Dowladda Federaalka Somalia loogu Wareejinayay ciidamada Booliiska maamulka Ximan iyo Xeeb, iyadoo munaasabadaas ay ka Qayb-galeen Saraakiil iyo Taliyayaal Ciidan.

6/20/2015 11:09 AM EST
Sabti, Juun 20, 2015 (HOL) — Shirkadda Hormuud Foundation ayaa maanta deeq gargaar ah oo loogu Talo-galay Bisha Ramadaan gaarsiiyey naafada ku jirta Isbitaalka Martiina ee magaalada Muqdisho.

6/20/2015 11:05 AM EST
Sabti, Juun 20, 2015 (HOL) — Xildhibaanada barlamaanka Somalia ayaa kulan ay maanta yeesheen kaga dooday darbiga ay xukuumadda Kenya doonayso inay ka dhisto Soohdinta ay la wadaagto Somalia, iyo sidii dib loogu soo saari lahaa Shilliln Soomaaliga.

6/20/2015 10:41 AM EST
Sabti, Juun 20, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya. Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray xarunta Dowladda Hoose ee Muqdisho (Ex Ufficio Governo) oo dhawaan maamulka Gobolka Banaadir uu dayactiray.

6/20/2015 9:43 AM EST
Sabti, Juun 20, 2015 (HOL) — Maamulka Khaatumo ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen weerar habeennimadii xalay lala beegsaday xarumo is-gaadhsiineed oo ku yaala duleedka Magaalada Horu-fadhi oo Waqooyi-galbeed ka xigta Degmada Laascaanood ee Gobolka Sool.

6/20/2015 9:21 AM EST
Sabti, Juun 20, 2015 (HOL) —Dabley ku hubeysan bastoolado ayaa goor dhaw ku dishay bartamaha magaalada Beledweyne meel aan ka fogeyn gurigiisa Alle ha u naxariisteen nabadoon Muumin Barre.

6/20/2015 8:27 AM EST
Sabti, Juun 20, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama oo lagu wado inuu bisha soo socota ee July booqasho ku yimaado xarunta Kenya ee Nairobi ayaa la sheegayaa inuu booqan doono dhammaadka bishan magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

6/20/2015 7:47 AM EST
Sabti, Juun 20, 2015 (HOL) — Warbixin ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay tirade dadkii ku dhintay Weerarradii ka dhacay Caalamka Sannadkii lasoo dhaafay ee 2014-ka oo keliya.

6/20/2015 6:34 AM EST
Sabti, Juun 20, 2015 (HOL) — Wasiirka Maaliyada Xukuumada Somalia Maxamed Aadan Ibaraahim (Fargeeti), Wasiir ku xigeenka Qorshaynta, C/llaahi Sheekh Cali (Qaloocoow), Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Bashiir Ciise iyo Saraakiil Sare oo ka Tirsan xukuumadda Somalia ayaa kulan la Qaatay Wafdi ka Socday Hay'adda Lacagta Adduunka IMF. Kulan-kaasoo ha kii ugu horreeyay oo ay IMF-tu ka u qabatay Somalia muddo 25 Sanno ah ayaa ahaa mid lagu qiimeynayay habka uu u shaqeeyo Nidaamka Maaliyadda ee Soomaaliya iyo Xaaladda Guud ee Dhaqaalaha dalka.

6/20/2015 3:50 AM EST
Sabti, Juun 20, 2015 (HOL) — Xoogag ka tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa Saqdii Dhexe ee Xalay Weeraray degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose oo Muqdisho u jirta 30-km, iyadoo ay u suuro-gashay inay gudaha u galaan degmadaas.

6/20/2015 3:25 AM EST
Sabti, Juun 20, 2015 (HOL) — Kulan ballaanran oo lagu Taageerayay talo ay qaar ka mid ah xildhibaanndaa reer Hiiraan soo jeediyeen oo ahayd in Gobolka Hiiraan laba gobol loo qaybiyo ama sidiisa looga dhigo Maamul-goboleed ayaa shalay lagu qabtay Muqdisho.