4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 1 , 2015
Madaxweynayaasha Kenya iyo Soomaaliya oo ku kulmay garoonka diyaaradaha JKIA (SAWIRRO)


Isniin, Juun 01, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa kulan muddo kooban socday xalay ku qaatay garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi.

Kulankan ayaa yimid Kaddib Markii Xasan Sheekh iyo Kenyatta ay Safarro uga soo Kala laabteen dalalka Nigeria iyo Tanzania, iyagoo kulankooda uga hadlay xaaladda labada dal iyo dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab oo labada dalba weerarro ka geysata.

“Waxaan xalay si lama filaan ugu kulannay Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta Xasan Sheekh Maxamuud, Anigoo kasoo shir looga hadlayay xaaladaha ka taagan Burundi oo ka dhacay dalka Tanzania,” ayuu ku yiri madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta.

Sidoo kale, Uhuru Kenyatta ayaa Sheegay in Qodobbadii ay muddada kooban kala Hadlay madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh ay isku af-garteen, wuxuuna xusay inuu ku kalsoon yahay in labada dal ay iska kaashanayaan ka hortagga wuxuu ugu kooxaha Argagaxisada.

Inkastoo Madaxweynaha Somalia uusan Weli ka Hadlin Kulanka uu Kenyatta kula Qaatay xalay Garoonka Diyaaradaha Nairobi ayaa haddana wuxuu kasoo laabtay Dalka Nigeria oo uu kaga qaybgalay caleemo-saarkii madaxweynaha cusub ee dalkaas, Muhammadu Buhari.

Labada madaxweyne ayaa waxaa kulankooda ku wehliyay wasiirrada arrimaha dibadda ee Somalia, C/salaan Cumar Hadliye iyo tan Kenya, Aamino Maxamed, waxaana kulankan uu kusoo beegmayaa iyadoo Kenya manta looga dabaal-dagayo xuska Madaraka.

Ugu dambeyn, kulankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo ay Xasan Sheekh iyo Uhuru Kenyatta ku yeesheen Garoonka Diyaaradaha ee Jomo Kenyatta, balse dhowr jeer oo hore ayay labada madaxweyne kulammo ku yeesheen dalka Kenya.

Si kastaba ha ahaatee, kulanka ay labada madaxweyne yeesheen ayaa imaanaya iyadoo ay dowladda Kenya horay u shaacisay inay darbi ka dhisayso xadka Soomaaliya iyo Kenya u dhexeeya, taasoo uu madaxweynaha Somalia ku tilmaamay mid aan waxba ka tari doonin weerarrada ay Al-shabaab ka geysanayso gudaha Waddankaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya