4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 1 , 2015
Dowladda Shiinaha oo Mamnuucday in Goobaha ay shacabku isugu yimaadaan lagu cabo Sigaar


Isniin, Juun 01, 2015 (HOL) — Xukuumadda Shiinaha ayaa Manuucday in Sigaarka Lagu cabo goobaha ay Bulshadu isugu timaaddo, sida Makhaayadaha, Xafiisyada iyo Goobaha basaska laga raaco ee ku yaalla caasimadda Shiinaha ee Beijing, kaddib markii la adkeeyay sharciyadii horay u jiray.

Dowladda China oo ah mid ka mid ah dalalka uu aadka ugu sarreeyo Cabitaanka Sigaarka caalamka oo dhan ayaa lagu qiyaasaa in ka badan 300 oo Milyan qof oo u dhashay dalkaas ay sigaarka cabaan.

Hasa yeeshee, laga billaabo maanta oo Isniin ah Waxaa Xarunta wadankaas ee Beijing laga mamnuucay in sigaar lagu cabo meelaha ay bulshada ku badan tahay, iyadoo goobahaas la dhigay askar si ay uga hortagaan kuwa doonaya inay goobahaas ku cabaan sigaarka.

Ciidamadan ayaa la sheegay in ay Kormeerro Joogto ah ku Sameyn doonaan Goobaha ay Dadweynuhu ku badan yihiin, iyadoo Qofkii Sharcigaan jabiya uu Wajihi doono Ganaax lacageed oo dhan 30-doollarka Mareykanka ah.

Dr. Angela Pratt oo ka Tirsan Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in Sharcigaan cusub ee lagu xadidayo cabista sigaarka Shiinaha ee lagu xadidayo in lagu cabo sigaarka goobaha ay bulshadu isugu timaado uu xadidi doona cabista sigaarka dalkaas.

Wariyayaasha ayaa sheegaya in inta badan shacabka ay la tahay in Mamnuucidan ay sidoo kale noqon doonto mid aan wax ku ool ahayn. Iyadoo talaabadan ay kusoo beegmayso xilli shalay oo Axad ahayd caalamka looga dabaal-dagayay kharaha uu sigaarku leeyahay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya