4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 1 , 2015
Madaxweynaha Puntland Maanta Dhagax-dhigay Xero loo Dhisayo Qaxootiga Yemeniyiinta ah


Isniin, Juun 01, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ku dhagax-dhigay xarun loogu tala-galay in ay dagaan ajaanibta ka soo qaxaysa colaadaha Yemen.

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasiirada Puntland oo Madaxweynaha ku Wehliyay booqashada uu Qardho kusoo gaaray ayaa ka Qayb-galay Munaasabadda lagu Dhagax-dhigayay Xaruntan oo lagu wado in ay dayactir ku sameeyaan hay’adaha Qaramada Midoobay.

Guddoomiyaha Gobolka Karkaar, C/qur'aan oo la hadlay suxufiyiinta kadib dhagax dhigga ayaa sheegay in Puntland iyo hay’adaha taageerada bixiya ay iska kaashaan doonaan sidii loo kaalmayn lahaa qaxootiga imaanaya gobolka.

“Dadka Yemeniyiinta ah ee Puntland imaan doona Waxaan u ballan-qaadaynaa in Xeradan si wanaagsan loogu soo dhaweyn doono, Waadna la Socotaan sida loo Qaabilay kuwii soo gaaray Puntland," ayuu yiri guddoomiyaha oo la hadlayay War-fidiyeenka.

Xaruntan ayaa la sheegay in aan la dajin doonin ruux Soomaali ah, isla markaana ay kaliya khaas u tahay dadka u dhashay Yemen, waxaana dhawaan dowladda Yemen ay qunsuliyad cusub ka furatay magaalada Bosaaso.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas ayaa isna sheegay in Dowladdiisa ay ka Go’an tahay sidii loo caawin lahaa Qoxootiga kasoo cararaya Colaadaha Yemen, kuwaa oo maalmihii la soo dhaafay ku soo Qul-qulayay gudaha Puntland.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]