4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 1 , 2015
BALADWEYNE: Taageerida qorshaha wasaarada Waxbarashada ee Gelidda Imtixaan MIDEYSAN


Isniin, Juun 01, 2015 (HOL) — Munaasabad ay ka Qayb-galeen mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan, xildhibaanno, siyaasiyiin, dhallinyarro iyo haween oo maanta lagu qabtay magaalada Beledweyne ayaa lagu taageeray qorshaha wasaarrada waxbarashada ee - Gala Imtixaan Mideysan oo Qaran.

Munaasabada waxaa ugu horeyn ka hadllay ku-simaha Guddoomiyaha maamulka Gobolka Hiiraan Sheekh Xusseen Cismaan Cali oo sheegay in ka maamul ahaan soo dhaweyneynaa qorshaha wasaarrada waxbarashada ee lagu mideynayo guud ahaanba waxbarashada dalka, gaar ahaan ka qeyb-gallka Imtixaan mideysan.

“Horayna waanu u Sheegnay haddana waan ku Celinaynaa, Maamulayaasha, Macalimiinta iyo Waaliddiinta waxaa fareynaa inay qaataan fariinta ka timid Wasaarrada Waxbarashada, muddo 25-sano ah ayaa lagu soo jiray is bar bar yaac waxbarasho, taana waxaa ka marqaati kacaya Ardeydeennii Dibadaha u aaday Deeqaha Waxbarasho oo Dhibaato Xoog leh Kala kulamay dalalkii ay tageen madaama ay wax ku soo barteen manhaj aan mideysneyn, sidda daraadeed wasaarrada waxbarashada waxaan uga mahad celineynaa qorshahan cusub oo ay la timid oo ah mid wax weyn ka tari doona hergalinta waxbarasho tayo leh oo laga dhaxli doono jiil wax ku bartay manhaj mideysan oo Qaran,'' ayuu yiri ku-simaha guddoomiyaha gobolka.

Wuxuu si gaar ah ugu mahad celiyay marwada madaxweynaha dalka marwo Sahro Cumar Xasan oo daah furtay Barnaamijkan ''Galidda Imtixaan Mideysan'' oo laga Her-galin doono dhamaanba dalka oo idil.

Ku-simaha guddoomiyaha gobolka ayaa intaa raaciyay in ay Hir-galiyeen Xafiis Arrintan u gaar ah oo durbaba Ardeydu billaabeen in ay isi soo Diiwaan-galiyaan, isagoo Mahad-celin gaar ah u dirray waalidiinta ardeyda is diiwaan-galisay.

''Annaga ka Maamul ahaa Waxaan Diyaarinnay xafiis u gaar ah Diiwaan-galinta Ardayda, waxaa jira Durbaba Arday isi soo Diiwaan-galisay, waan u mahad-celineynaa cid kasta oo Arrintan gacan ka geysatay, gaar ahaan Wasaaradda Waxbarashada" ayuu Hadalkiis kusii daray.

Xildhibaan Shuuriye Muumin Afrax oo ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka Somalia oo isna ka hadlay Munaasabada ku dheeraaday Qiimaha manhaj mideysan iyo Imtixaan mar keliya loo fariisto oo ay maamuleyso Wasaarrada Waxbarashada Soomaaliya u leedahay Ardeyda Soomaaliyeed.

''Annaga ayaa Garan-karna Qiimaha ay Leedahay Waxbarasho Nidaamsan oo ay Dowladi maamuleyso, inkastoo dadaal dheeraad ah la muujiyay muddadii burburku jiray, Haddana waxbarashada maanta dalka ka jirta waxaa ka muuqada dal-daloolo faro badan, waana tan keentay in hadda arrintaa ay soo fara-galiso wasaarada waxbarashada, runtii wasiir walba Taariikh ayuu ka tagaa, Wasiirka Waxbarashada waxaana uga Mahad-celineynaa sida ay arrintan ugu baraarugtay, Dabcan daladaha Waxbarashada iyo Maamulayaasha Dugsiyada iyo Jaamacadaha waxaan rajeynayaa in ay qaadan doonaan fariintan ayuu yiri xildhibaan Shuuriye.

Sidoo kale, waxaa hadal kooban ka jeediyay xaflada agaasimaha waaxda dib-u-hishiisiinta wasaarrada arrimaha gudaha Daahir Warsame oo sheegay in ay ku amaanayaan wasaarrada waxbarashad taallaabadan ay qaaday

''Wasiir walba dadkiisa dhaxal ayuu uga tagaan waxaan is leeyahay wasiirka waxbarashada iyo guud ahaan Shaqaalaha Wasaaradda Arrintan waxay u noqon doontaa dhaxal danbe loo aayo,” ayuu yiri Agaasimaha Waaxda dib-u-hishiisiinta Wasaarrada Arrimaha Gudaha.

Dhanka kale, waxaa madasha ka hadashay, Deeqo Maxamed Muuse oo ah Xubin ka Tirsan Ururka Haweenka oo sheegtay inay arrintan mahad gaar ah uga hayaan shaqaalaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada oo ay ugu horeyso Wasiirka iyo Marwada Madaxweynaha oo mashruucan daah-furtay, waxaana ay intaan ku darrtay in qorshahan cusub yahay mid wax weyn ka tari doona tayada aqoota ee ubadka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa waxaa isna ka hadlay guddoomiyaha Ururka Dhalinyarrada Gobolka, Max'ed Cabdullaahi Buuraalle Raaxeeye oo sheegay in fariintan Wasaarada Waxbarashada dib ugu Celin doonaan Bulshada, Gaar ahaan Dadka Waxbarashada u ah Ehelka; Madaama sida uu  hadalka u dhigay ay soo arkeen dhalinyaradu dhibaatada ay leedahay waxbarasho aan mid ahayn.

Ugu danbeyntii, ka Qayb-gallayaasha Munaasabadda ayaa waxaa ay si buuxda u soo wada dhaweeyeen Qorshaha Wasaaradda Waxbarashada Gudaha lagu mideynayo Waxbarashada Dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya