4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 1 , 2015
Ciidamada Kenya oo dhalinyaro Somali-Kenyaan ah ku Garaacaya Gobolka Waqooyi-bari Kenya


Isniin, Juun 01, 2015 (HOL) — Ciidammo ka tirsan kuwa Ammaanka dalka Kenya ayaa si xun ugu garaacay gobolka Waqooyi-bari Kenya dhallinyaro Soomaali-Kenyaan ah, kaddib weerarkii dhawaan ay Al-shabaab ku qaadday deegaanka Yubis halkaasoo ay ku dileen tiro ka tirsan booliiska Kenya.

Muuqaal lasoo Bandhigay ayaa lagu Arkayay Dhallinyaradaan Soomaali-Kenyaanka ah oo gacmaha ka xiran ciidamaduna ay ku garaacayaan Karbaash meel duleedka ka ah degmada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi-bari Kenya.

Sawirrada laga soo qaaday dhacdadan ayaa waxay muujinayaan askarta oo si aad u Arxan-daran u Garaacaya Dhallinyaradan oo Xabadka Dhulka loo Dhigay, kuwaas oo si aad ah u qaylinayay inta garaacu ku socday.

Askari ka tirsan Booliiska dalka Kenya oo Sawirrada soo qaaday kuna Faafiyay Baraha ay Bulshadu ku Xiriirto ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ay ka hortageen dhallinyaro rabay inay xog la wadaagaan sida uu sheegay Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya.

Taliska Booliiska Kenya ayaa War uu soo saaray ku sheegay inuu Baaris ku sameyn doono arintaan, iyadoo Ciidamada Kenyana lagu eedeeyay inay si ka baxsan Bani’aadamnimada ay ula dhaqmaan shacabka ku nool Gobolka Waqooyi-bari Kenya oo ku dhow soohdinta ay Kenya la wadaagto Somalia.

Dhanka kale, Xildhibaannada Gobolka Waqooyi-Bari kasoo jeeda ayaa waxay Falkaan ku Tilmaameen Tacadi ay Ciidamada Kenya kula Kacayaan Shacabka Gobolkooda ku Nool, iyadoo ay horay u jireen eedeymo noocan oo kale ah oo loo jeediyay ciidanka Kenya.

Ugu dambeyn, Gobolka Waqooyi-bari ee Kenya ayaa noqday Gobol Dhibaatooyin badan ka taagan yihiin kuwaasoo ay ka mid yihiin; Weerarrada ay Al-shabaab ka geysanayso iyo tacadiyo ay Weerarrada Shacabka Gobolkaas kala kulmaan Ciidamada Amniga Kenya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya