4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 1 , 2015
Waddanka Kenya oo Maanta looga Dabaal-dagayo Xuska Madaraka ee Daaqiliga dalka Kenya


Isniin, Juun 01, 2015 (HOL) — Wadanka Kenya ayaa maanta waxaa looga dabaal-dagayaa munaasabada  Maalintii Kenya ay heshey Xukunkeedii Daakhiliga ahaa, ee ay ugu diyaar-garoobeysay Xorriyadeeda rasmiga aheyd.

Dabaal-dagga maalinta Qaranka ee Madaraka oo Isniinta maanta ah ku beegan ayaa wuxuu billaaban doontaa 8:00 Subaxnimo sida uu sheegay isu-duwaha gobalka Njoroge Ndirangu.

Garoonka Kubada Cagta Nyayo Stadium ee Nairobi oo dabaal-daggu uu ka dhacaayo, ayaa saaka 6:00-dii subaxnimo albaabada loo furay. Waxaana si weyn loo baarayay dadweynaha halkaas galaayo si loo adkeeyo ammaanka inta xafladu ay socoto.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa lagu wadaa maanta inuu ilaa 30,000 (Soddon kun oo qof) uu kala Qayb-galo Munaasabaddaas, kuwaasoo iskugu imaan doono Garoonka Nyayo ee magaalada Nairobi.

Maxamed Barre oo ah Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Dabaal-dagyada Kenya ayaa sheegay in si weyn ay Dadweynaha Kenyaanka ugu diyaar garoobeen xafladaan oo ay ku muujinayaan waddaniyada iyo karaameyn ay u hayaan Geesiyaashii Kenya Guusha Xor-riyadda u horseeday.

Ammaanka magaalooyinka waa weyn ee Kenya oo ay ugu horeyso Nairobi, ayaa maanta aad loo adkeyay, waxaana Kumanaan askarta booliska ah lasoo dhoobay saaka wadooyinka iyo xarumaha muhiimka ah ee ku yaalla Nairobi - si ay u Hubiyaan in Dhammaan Dadka Kenyanka ah ay nabad ku gutaan damaashaadkaan.

01-dii bishii Juun, 1963, ayey aheyd markii ugu horeysay oo Kenya ay heshay xukunkeedii gudaha balse Lix bilood kadib bishii December ee isla sanadkaas ayay Kenya xorriyadeeda oo buuxda heshay.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya