4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 1 , 2015
FAO oo Tababartay Qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradaha kala duwan ee Koonfur Galbeed

Isniin, Juun 01, 2015 (HOL) — Tababbarkaan ayaa waxaa ka Qayb-galay madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyadoo tababarka ay bixinayeen qaar ka tirsan shaqaalaha FAO, kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa wasiir-u-dowlaha xafiiska RW Somalia, Burci Maxamed Xamza.

Burci ayaa goobta ka sheegay in shaqaalaha tababarku u socday la baray sida mashaariicda loo qabto, isagoo maamulka Koonfur-galbeed ku boorriyay inay wada-tashi la sameeyaan maamullada dalka ka jira.

Sarkaal ka socday hay’ada QM ee beeraha iyo xoolaha FAO ayaa ka warbixiyay faa’iidada siminaarka ay siiyeen shaqaalaha wasaaradaha maamulka K/galbeed Somalia iyo sidii wax looga qaban lahaa Mashaariicda Beeraha, Xoolaha, Dhirta iyo Bay’ada.

Tababarka ayaa loogu hadlay baahida ka jirta Deegaannada Koonfur Galbeed, Ha ahaato xaalufka deegaanka ee dhinac waliba ah iyo dhinaca xoolaha iyo beeraha.

Gabagabadii Tababarka ayaa Waxaa ka Hadlay Madaxweynaha Koonfur-galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo u mahad celiyey hay’adda FAO oo soo qaban-qaabisay tababarka la siinayo Shaqaalaha Wasaaradaha kala duwan ee maamulka Koonfur-galbeed Somalia.

Shariif Xasan ayaa sheegay inay muhiim tahay in laga hadlo arrimaha wax loogu qabanayo ilaalinta deegaanka iyo ka hor-taga xaalufinta deegaanka.

Hiiraan Online, Baydhabo