4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 9 , 2015
Mareykanka oo Shaaciyay in uu Siinayo Kenya Diyaarado ay Kula Dagaallanto Al-shabaab


Khamiis, Luuliyo 09, 2015 (HOL) — Xukuumadda Mareykanka ayaa mar kale ku celisay inay dowladda Kenya ka taageerayso dagaalka ay kula jirto argagaxisada, kaddib weerarkii ay Al-shabaab ku Qaadday Toddobaadkan Magaalada Mandheera ee dalka Kenya oo ay ku dishay 14-qof, tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacday.

Danjiraha Mareykanka ee Kenya, Robert Godec ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay inay Kenya ka caawiso weerarrada kaga imaanaya dagaalyahannada Al-shabaab ee Soomaaliya.

“Fursadan waxaan uga faa’iideysanayaa inaan halkan tacsi uga diro ehellada iyo qoysaskii weerarki Mandheera ku waayay kuwii ay jeclaayeen,” ayuu yiri Danjire Godec oo hadal ka jeedinayay kulan ka dhacay magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Sidoo kale, Danjiraha ayaa intaa ku daray. “Waa dhab in Kenya ay caqabado ka haystaan Weerarrada kaga Imaanaya Kooxaha Argagaxisada ah. Xukuumadeydu Waxay sii Wadi doontaa taageerada ay xukuumadda Kenya ka siinayso dagaalka ay kula jirto Al-shabaab.”

Mr. Robert Godec ayaa isagoo sii Hadlaya Xukuumadda Kenya ku ammaanay kaalinta ay Ciidamadeedu ka Qaadayaan Howlgalka Midowga Afrika ee Somalia (AMISOM), kaasoo uu Sheegay in looga Hor-jeedo Al-shabaab, laguna soo celinayo Nabadda iyo Xasilloonida dalka Soomaaliya.

“Tallaabadii ay Kenya ciidamadeeda ugu dirtay Somalia waxay ahayd mid muhiim ah, si ay uga qaybqaataan howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab, laguna soo celiyo nabadda iyo deggenaashaha Somalia oo ay colaado daashadeen,” ayuu ku daray Robert hadalkiisa.

Isagoo sii hadlaya ayuu Safiirku hadalkiisa ku daray in saraakiisha Amniga Kenya looga baahan yahay inay helaan siyaabo lagu ogaan karo kooxaha argagaxisada ah ee dalkan uga soo tallaabaya xadka, taasoo looga Hor-tegi karo buu yiri weerarrada ay Al-shabaab soo qaadayso.

“Habka ugu Wanaagsan ee looga Hor-tegi karo Weerarrada Al-shabaab ay Kenya ku soo Qaadayso waa in saraakiisha booliisku awood u helaan inay ogaan karaan kuwa doonaya inay Weerarrada geystaan, Taasoo ah midda looga hortegi weerarradooda ka hor inta uusan dhiig ku daadan,” ayuu danjiraha Mareykanka ee Kenya hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale, safiirka ayaa Xukuumadda Kenya ugu baaqay inay xoogga saarto sidii ay uga dhaadhicin lahayd bulshooyinka Muslimiinta iyo Masiixiyiinta ah ee dalkeeda ku nool inay meel uga soo wada-jeestaan in dhallinyarada ay ciidan ahaan u qorayo Al-shabaab.

Safiirku wuxuu Shaaciyay in Xukuumaddiisu ay Malaayiin doollar ku bixinayso Dagaalka ay Kenya kula jirto Al-shabaab, sidoo kalena ay siin doonaan diyaarado dagaal iyo doomo si ay uga gaashaamato weerarrada kooxaha Argagaxisada ah ay soo qaadayaan iyo weliba dambiyada kale ee Kenya ka dhaca.

Wuxuu intaas ku daray in Mareykanka uu tababarro siin doono saraakiisha amniga Kenya si ay u hor-joogsadaan weerarrada Kenya kaga imaanaya Al-shabaab iyo kooxaha kale ee dambiilayaasha ah.

Danjiraha Mareykanka ee dalka Kenya ayaa hadalkan ka jeediyay kulan lagu qabtay Hoteel ku yaalla Magaalada Mombasa ee Gobolka Xeebta Kenya, ka hor intii aanu kala qaybgelin bulshada Muslimiinta ah ee magaaladaas ku nool kulan Afur aa oo lagu qabtay Mombasa.

Ugu dambeyn, danjire Robert Godec ayaa yiri. “Waxaan Mombasa u joogaa sidii aan kulan Afur ah Bulshada Muslimiinta ah ee magaalada ku nool, taasoo qayb ka ah xoojinta wada-shaqeynta dhanka amniga Kenya ah.”

Si kastaba ha ahaatee, dalka Kenya ayaa wuxuu tan iyo markii uu ciidamadiisa u soo diray Somalia 2011 kala kulmayay xoogagga Al-shabaab Weerarro kala duwan oo ay Dowladda sheegtay inay ku dhinteen dad ka badan 500-qof dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya