4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 9 , 2015
Puntland oo Dalbatay in Gacan laga Siiyo Caawinta Qoxootiga ka soo Cararaya Colaadaha Yemen


Khamiis, Luuliyo 09, 2015 (HOL) — Maamul-goboleedka Puntland ayaa dalalka deeqaha bixiya iyo Shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday inay gacan ka siiyaan u gargaaridda dadka Soomaaliyeed ee kasoo cararaya dagaallada ka socda Yaman.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha Puntland ahna Wakiilka Arrimaha Qoxootiga ee maamulka, C/llaahi Xaashi Qoobdooro oo u warramay warbaahinta ayaa sheegay inay muhiim tahay in aan Puntland oo keliya lagu eegan xaalada Qoxootiga Yaman ka imaanaya.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in maalinba maalinta ka dambeysa ay sii kor-dhayaan tirada dadka ka imaanaya dalka Yemen oo dagaallo ay ka socdaan, aysanna dhankooda ka daalayn caawinta dadkan kasoo cararaya Yemen, ayna shacabkooda la shaashan doonaan.

Wasiir ku xigeenka ka tirsan Puntland ayaa hoosta ka xariiqay in tan iyo markii uu billow-day gurmadka loo fidinayo Soomaalida kasoo cararaysa dagaallada Yemen ay tiro ahaan gaarayaan 20,000 oo qof, kuwaasoo soo gaaray Boosaaso oo keliya.

Ugu dambeyn, maamulka Puntland ayaa kaalin xoogan ka qaatay soo dhaweynta Somalida kasoo cararaya dalka Yemen, iyadoo sidoo kale dadkan ay la socdaan kuwo u dhashay dalka Yemen oo kasoo cararay colaadaha.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya