4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 9 , 2015
XEER-ILAALIYAHA: Dowladda Soomaaliya kama bixin Dacwaddii Badda ee kala dhexeysa Kenya


Khamiis, Luuliyo 09, 2015 (HOL) — Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in dowladda Somalia aysan ka bixin dacwaddii kala dhexeysay Kenya ee ku saabsanayd xuduud-badeedka labada waddan u dhexeeysa, isagoo sheegay in 13-ka bishan oo ku beegan Isniinta soo socota ay mar kale dacwad arrintan ku saabsan u gudbin doonaan maxkamadda Hague ee dalka Netherlands.

Sidoo kale, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa ku tilmaamay Wararka ku saabsan inay ka baxday Dowladda Somalia dacwaddii badda ay yihiin kuwo been abuur ah oo sal iyo raad lahayn. Isagoo dhanka kalena xusay in shirkadihii shidaalka ka baaraya ay inta badan ka baxeen xeebaha dacwaddu ka taagan tahay.

“Dhulka Soomaaliyeed taako ka mid ah wax gorgortan ah kama galayno haddii aan nahay dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda. Waxaana horay ugu gudbinnay ICJ dacwad, waxaana 13-ka bishaan dacwad dhameystiran oo arrintan ku saabsan isla maxkamaddan, si go’aan cad looga gaaro dacwaddan,” ayuu yiri Dr. Axmed Cali Daahir.

Isagoo sii hadlayay Xeer-ilaaliyaha Qaranka ayuu sheegay in shan shirkadood oo ka mid ah shirkadihii ay ganaaxyada kusoo rogeen ay isaga baxeen xeebahaas ayna u dambeysay shirkadda TOTAL oo joojisay heshiiskii ay la gashay dowladda Kenya ee ku saabsanaa baarista shidaalka biyaha Somalia.

“Shirkadda ENNI ee laga leeyahay dalka Talyaaniga ayaa weli ku harsan heshiiskii ay la gashay Kenya, kuna sugan Xeebaha ay dacwaddu ka socoto, iyadana waxaan ugu baaqay-naa inay qaadato mid la mid ah tallaabooyinkii ay qaateen shirkadihii kale ee howsha kula jiray. Haddii ay digniintooda qaadan waydana ay waji doonto sharciga, inkastoo aan rajeynayo inay ka tanaasusho baarista shidaal ee ay ka waddo baddeennna,” ayuu mar kale yiri Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Mar la Weydiiyay Su’aal ahayd hadal dhawaan kasoo baxay Wasiirrada Arrimaha dibadda ee Kenya oo ku saabsan in wadahadal hoose lagu dhameynayo dacwadda xuduud-badeeda ayuu sheegay inuusan weli arag qoraal arrintan ku saabsan oo si sharci ah uga soo baxay Kenya. Arrintani waa mid dublamaasiyadeed haddii ay jiraan arrimo hoose, waxaa wax laga weydiin karaa hay’adaha ku shaqada leh, balse anigu wax aan ogahay ma jirto.

Ugu dambeyn, hadalka Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa kusoo beegmaya xilli ay dhawaan soo baxayeen warar sheegaya in Dowladda Somalia ay Kenya si hoose ugala hadlayso muranka xuduud-badeedda ee ka dhexeeyay sannadihii lasoo dhaafay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya