4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 9 , 2015
Kumannaan Askarta Itoobiya ah oo kasoo Tallaabay Soohdinta u dhexeysa Somalia iyo Itoobiya


Khamiis, Luuliyo 09, 2015 (HOL) — Kumannaan Askarta Itoobiya ah Qaybna ka ah howl-galka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa kasoo tallaabay Soohdinta Somalia iyo Itoobiya, iyagoo ku wajahan deegaanno kala duwan oo Koonfurta Somaila ku yaalla.

Gobollada Gedo, Bay iyo Bakool ayaa la sheegay in ciidamadani ay buuxiyeen ayna ku sii socdaan deegaanno kale oo cusub, iyadoo Taliska AMISOM iyo Dowladda FS aysan weli ka hadlin ciidamadan faraha badan ee kasoo tallaabaya xadka Somalia Itoobiya.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay tiradoodu gaarayso 3,000 oo askari ayna wataan qalab kala duwan oo ay ka mid yihiin taagiyo iyo gaadiidka kale ee dagaalka, iyadoo talla-badan ay imaanayso Xilli Al-shabaab ay Kordhiyeen Weerrarada ay ku hayaan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Sidoo kale, dhawaan ayay ahayd markii saraakiil ka tirsan dowlada Somalia iyo maamulka KMG ah ee Jubbaland ay u sheegeen warbaahinta in ciidamadan ay qayb ka yihiin kuwa ka Qayb-qaadanaya howlgallo ka dhanka ah Al-shabaab oo la filayo inay ka bilowdaan qaybo ka mid ah Gobollada dalka.

Dowladda Itoobiya ayaa horay u sheegtay inay ciidamo dheeraad ah u soo dirayso Somalia si ay u bedelaan kuwii ka socday dalka Sierra Leone ee ka baxay Somalia, kaddib markii dalkoodu uu ka dillaacay cudurka halista ah ee Ebola.

Ugu dambeyn, ciidamada Itoobiya oo dhowr jeer horay u soo galay gudaha Somalia ayaa waxay billowgii sannadkii lasoo dhaafay si rasmi ah ugu biireen AMISOM oo ay qayb ka yihiin ciidammo ka socda dalalka Jabuuti, Kenya, Uganda iyo Burundi.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya