4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 8 , 2015
Hay'ada Bisha Cas ee Imaaraadka oo Bukaanka Isbitaalka Madiina u Qaybisay Afur (SAWIRRO)


Arbaco, Luuliyo 08, 2015 (HOL) — Hay’adda Bisha Cas ee Dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa maanta deeq Afur ah oo ahayd Raashin bisil u Qaybisay Bukaannada ku jira Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka faa’iideysteen in ka badan 150 Bukaan ah.

Waxaa goobta ka hadlay Wakiilka Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta u Qaabilsan Qaybta Kaalmooyinka, Cali Cabdul Daacad oo sheegay in barnaamijkan uu qayb ka yahay kaalmo ay Dowladda Imaaradaka Carabtu ugu talo-gashay inay ku caawiso dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan, isagoo hoosta ka xariiqay inay sii wadi doonaan in kaalmo noocan oo kale ah ay gaarsiiyaan dadka Tabaaleysan ee aan Awoodin inay Afurka iska bixiyaan.

Sidoo kale, Wakiilka ayaa xusay in ay Bisha Cas imaaraadka ay kafaalad Qaaday Afurinta in ku dhaw 5,000 oo qof, kuwaasoo ku dhaqan degmooyinka Gobolka Banaadir, ayna deeq kale u Qaybin doonaan Waaliddiinta aan carruurtooda u gadi Karin dharkii ay Ramadaanka kaddib ku ciidi lahaayeen, si ay farxadda ula qaybsadaan Caruurta kale.

Ugu dambeyn, Qaar ka mid ah Dadkii ka faa’iideystay Raashinkan Bisil ee Bisha Cas ay u Qaybisay Bukaannada ku  jira Isbitaalka Madiina ayaa ka mahad-celiyay Kaalmooyinka ay ku caawisay Hay’adda Bisha Cas ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya