4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 8 , 2015
Maamulka Dowlada Hoose ee Hargeysa oo wax ka bedelay Qaabkii ay u Socdeen Waddooyinka


Arbaco, Luuliyo 08, 2015 (HOL) — Maamulka Dawladda hoose ee Hargeysa oo ay goob-joog ka ahaayeen ciidamada waddooyinka Somaliland, ayaa mar labaad kala bedelay wadooyinka badhtamaha magaaladda Hargreysa marayey.

Labadda waddo ee mdina madaxtoyadda hor marta ta kalena dhakhtarka weyn ee Hargeysa daba marta oo dhowaan laga dhigay wadooyin laba laba haad ah oo dhinac u wada socda ayaa loo bedelay in wadadda madaxtooyada hor marta gaadiidku u socon doonaan dhinaca Barri halka ay markii hore ka ahayd inay u socdaan dhinaca Galbeed. Wadadda labaad ee dhakhtarka weyn ee Hargeysa daba marta waxa laga dhigay inay gaadiidku u socon doonaan dhinaca Galbeed halka ay markii hore u socon jireen dhinaca Bari.

Maamulka dawladda hoose ayaa sheegay in isku bedelkan ka sameeyeen ka dib markii tijaabaddii hore ee isku bedelkaasi ka soo baxay khaladaad, taas oo meelaha ay iskaga soo dhacaan wadooyinka la bedelay ay ka dhaceen shilil sidaas darteed qaabkan cusub ee kale loo bedelay.

“Tijaabadii hore ee wadooyinkaasi ugu tallogalay waxa ka soo baxay khaladaad yaryar, sidaas darteed waxaanu u bedelnay qaabkan kale waxaana wadadda horta marta madaxtooyada Somaliland  gaadiidku u socon doonaan dhinaca Barri waxaana laga bedelay dhinacii Galbeed ee ay u socon jireen gaadiidku, halka Wadada labaad ee Cisbitaalka weyn ee Hargeysa daba marta gaadiidku u socon doonaan Galbeedka oo markii hore u socon jireen dhinaca Barri, waxaana amarkani dhaqangali doona bacdda ciidda saddexda cisho ee Ciidda ka dib”ayuu yidhi Maayar ku xigeenka caasimadda Hargeysa C/casiis Cago weyne.

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi kahadlay xildhibanaadda golaha deegaanka Caasimadda, Xoghayaha fulinta ee dawladda hoose, sarkaal ka socday hawlaha guud iyo taliyaha Ciidanka nabadgalaydda wadooyinka.

Si kastaba ha ahaatee, waddooyinkan lagu dhawaaqay in la kala bedelay  ayaa toban bilood ka hor loo bedelay qaar hal haad ama dhinaca u socda, haseyeeshee shilal badan oo ay sababeen halka ay iskugu yimaadaan wadooyinkaasi ayaaa keentay in mar labaad la kala bedelay qaabkay u socon jireen.

Dhinaca kale, maayar ku xigeenka caasimadda iyo guddida horumarinta caasiamdda Hargeysa ayaa si wada jir ah ugu dhawaaqay dayactirka wadadda madaarka ka timaadda taas oo ay sheegeen inay ka dhigi doonaan waddo afar haad ah.

Maayar ku xigeenka ayaa sheegay in lacagta ku bixi doonta wadadaasi ay iska kaashan doonaan dawlada hoose, dawladda dhexe iyo shacabka Somaliland oo qaybtoodda ka qaadan doona.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]                                
Hargeysa, Somaliland