4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 8 , 2015
Qorshaha Dowladda Soomaaliya & Dhismaha Maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Arbaco, Luuliyo 08, 2015 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata xiligan mid ka soo fara-xalatay dhismaha maamulka Galmudug oo 04-tii bishan lagu doortay Cadaado madaxweyne iyo ku-xigeenkiisa oo uu maamulkaasi yeellanayo, waxaadna moodaa in wixii hadda ka danbeeya dowladda guda-galli doonto dhismaha iyo gogol xaarida maamul ay ku mideysan yihiin gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Wasiirka wasaarrada arrimaha gudaha iyo Federaalka Soomaaliya, C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa kol hore isagoo jooga degmada Cadaado sheegay in marka ay soo dhameystiraan dhismaha maamulka Galmudug ee gobollada dhexe u gudbi doonaan howsha la xiriirta siddii maamul loogu sameyn lahaa labada gobol Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, isaga oo intaa ku darray in wasaarrada arrimaha gudaha arrintaa ka shaqeyneyso.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xassan Afrax ayaa ka mid ahaa marti-sharaftii lagu casuumay ka qeyb-gallka doorashadii dhawaan lagu soo gabagabeeyay magaalada Cadaado.

Inkastoo wali uusan jirin hishiis rasmi ah oo ku aadan arrinta ku saabsan dhismaha maamul ama dowlad gobolleed ay ku mideysan yihiin labada gobol Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, ayeey marar badan mas'uuliyiinta ugu sareysa dowladda waxaa ay ku celi celiyeen in sidda ugu dhaqsiyaha badan arrintan loo guda-galli doonno.

Balse marka aad arrinta dhinac kale ka eegto ma'aha mid sahlan oo waxaa jira siyaasado iska soo horjeeda oo arrintan quseynaya, madaama xildhibaanno iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka qaarkood ka biyo diidan yihiin isku-darka labada gobol, iyaga oo ku doodaya in gobolka Hiiraan u qalmo labbo gobol,  sidda daraadeed ay haboon tahay in dowladdu ku ixtiraamto baaxadiisa dhulleed iyo tikireetadii uu horay u soo saaray madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed oo magacaabay gobolka Shabeellaha sare oo ka farcamay gobolka Hiiraan.

Illaa siddeed xildhibaan oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay in gobolku xaq u leeyahay in si Madax-bannaan u hoostagi karo dowladda dhexe, taasoo loola jeedo in gobolka Hiiraan iskii u taagnaanayo tan iyo waqtiga ka dhiman dowladda uu hadda hogaamiyo madaxweyne Xassan Sheekh Max'uud.

Laakiin taa badalkeeda waxaa jira siyaasiyiin ka soo jeeda isla gobolka Hiiraan oo qaba aragti taa ka duwan, islamarkaana aaminsan in lagama maar-maan tahay dhismaha maamulka labada gobol, madaama sidda dastuurka ku qorayo labo gobol iyo wixii ka badan noqon karaan dowlad gobolleed.

Magaalada Beledweyne waxaa wali ka furan shirweyne lagu magacaabo dib-u-hishisiin iyo Aayo ka tallin, waxaana la fillayaa in dhawaan ergada shirweynaha bilaabaan ka doodista arrimaha siyaasada iyo federaaliisamka gaar ahaan mustaqbalka gobolka Hiiraan, oo aad moodo in lagu kala aragti duwan yahay.

Su'aalaha kale ee sidda weyn leysku weydiinayo ayaa ah haddii leyskuba raaco in leysku darro labada gobol Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, Halka la dhigayo gogosha dhismaha maamulka, Habka saami qeybsiga, iyo halka XARUN u noqoneysa dowlad gobolleedka oo dhamaantood marka aad eegto u muuqda kuwo durbaba la kala jiidaayo.

Odayaal iyo waxgaradka ka soo jeeda gobolka Shabeellaha dhexe oo horaantii sanadkan ku shiray magaalada Muqdisho ayaa sheegay in gogosha dhismaha maamulka labada gobol Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe la dhigayo magaalada Jowhar, waxaase arrintaa ku gacan-seyray ergada ka qeyb-qaadaneysa shirweynaha ka socda magaalada Beledweyne oo ugu baaqay odayaasha gobolka Shabeellaha dhexe in ay ku soo biiraan gogosha fidsan magaalada Beledweyne.

Arrimahan oo dhan marka aad isku soo duubta waxaa kuu muuqaneya in qorshaha dowladda ee dhismaha maamul ka kooban gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe aheyn mid sahlan oo markiiba ay tahay in lagu deg dego, ka hor inta aan la turxaan bixin aragtiyada iska hor imanaya ee siyaasiyiinta iyo waxgaradka labada gobol.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya