4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 8 , 2015
Cudurka Jadeecada oo sadex ilmood ku dilay deegaanka Murcanyo oo ka Tirsan Maammulka Puntland

Arbaco, Luuliyo 08, 2015 (HOL) — Maamulka gobolka Gardafuu ee Puntland ayaa xusay in cudurka jadeecadda oo ka dilaacay deegaano ka tirsan gobolkaas  uu ilaa hadda dilay seddex caruur ah ,kuwaasi oo uu soo ritay maalmihii la soo dhaafay.

Guddoomiyaha gobolkaas Cabduqaadir Yuusuf Maxamed oo lahadlay warbahinta ayaa sheegay in xanuunkan uu ka jiro deegaano hoostaga degmada Caluula ,isaga oo sheegay in ilaa iyo hadda ay jiraan caruur aan helin gar-gaar caafimaad.

“Walaal waxaa cudurkan uu labo caruur ah ku dilay deegaanka Murcanyo ,sababta waxaa weeye ma aysan helin gar-gaarkii ay u baahnaayeen," ayuu yiri C/qaadir Yuusuf oo intaas ku daray in deegaanno badan oo ka tirsan gobolkaas uusan ka jirin adeeg caafimaad.

“Mar aan booqday xarun lagu hayo caruurta xanuusan ,waxaan soo arkay 12 caruur oo la iil daran cudurka Jadeecada “ ayuu mar kale yiri masuulkan oo tilmaamay in dhibaatadan ay salka ku hayso talaal la’aan baahsan oo deegaanka ka jirta.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in uu xiriir la sameeyay wasaaradda caafimaadka Puntland si arintan wax looga qabto ,waxaana uu tilmaamay in ay sugayaan gawaari gargaar caafimaad sida oo gobolka ku soo fool leh.

Ugu dambeyn, Somalia ayaa kamid ah wadamada uu sida ba’an u saameeyay xanuunkan 10-kii sano ee la soo dhaafay ,waxaana maamulka gobolka Gardafuu uu sheegay in 31 caruur ah ay sidoo kale bogsadeen ka dib dadaalo kala duwan oo la sameeyay.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]