4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 8 , 2015
Kulan Magaalada Nairobi ku dhexmaray Safiirka Somalia ee Kenya Wasiiradda Arrimaha Dibadda Kenya


Arbaco, Luuliyo 08, 2015 (HOL) — Kulankii ugu Horreeyay ayaa Maanta wuxuu Nairobi ku dhexmaray Wasiiradda Arrimaha dibadda Kenya, Aamina Maxamed Jabtiil iyo safiirka Smalia u fadhiya Kenya, danjire Jamaal Maxamed Xasan.

Danjiraha Somalia ee Kenya ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu warqadihii aqoonsiga danjirenimo ku u gudbiyo Madaxweynaha Kenya Uhur Kenyatta, iyadoo wixii markaas ka dambeeyay ay howshiisa safiirnimo noqonayso mid joogto ah, iyadoo la filayo inuu ka shaqeeyo xoojinta xiriirka labada dal.

Aamina Maxamed iyo Danjire Jamaal Maxamedayaa kawada hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin Xiriirka labada waddan, iyadoo danjiraha uu u gudbiyay safiirka warqada magacaabistiisa.

Xukuumadda Kenya ayaa dhawaan Aqbashay magacaabista Danjiraha Cusub ee Somalia u magacawday Kenya, kaasoo bedelay danjirhii hore ee Somalia, Maxamed Cali Ameerika oo muddo sideed sano ahayd safiir ka ahaa Kenya.

Sidoo kale, danjire Jamaal ayaa horay ula shaqeeyay Safaaradda Mareykanka ee Nairobi gaar ahaan Qaybta Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, wuxuuna ka mid ahaa shan safiir oo Dowladda Soomaaliya ay bishii Abiil ee sannadkan u magacawday dalalka Koonfur Afrika, Kenya, Ciraaq, Sacuudiga iyo Xarunta Qaramada Midoobey ee Geneva.

Ugu dambeyn, safiirradii ay dowladda Somalia u magacoday afartan waddan iyo QM ayaa waxaa laga aqbalay laba safiir oo keliya, iyadoo bishii hore uu madaxweynaha dalka Ciraaq ka aqbalay warqadaha aqoonsiga danjirenimo, safiirka Somalia ay u magacowday Ciraaq, Khadiija Al-Makhzuumi.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya