4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 8 , 2015
Dhaq-dhaqaaqyo Ciidan oo Laga Dareemayo Deegaanno ka mid ah Gobolka Gedo ee Koonfurta Somalia


Arbaco, Luuliyo 08, 2015 (HOL) — Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqyo ciidan ay deegaannada gobolkaas ka wadaan ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Dhaqdhaqaaqyadan ayaa imaanaya iyadoo ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM ee ka socda dalka Itoobiya ay kasoo tallaabeen xadka ay wadaagaan Somalia iyo Kenya, kuwasoo wata gaadiidka dagaalka oo ay ku jiraan kaarayaal.

Sidoo kale, Wararka ayaa Sheegaya in Ciidamadan ay ku biireen Ciidammo kale oo horay Gobalkaas ugu sugnaa, iyadoo Wararku ay Sheegayaan in Ciidamadan is-garabasanaya ay ku jiheysan yihiin dhanka degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Mid ka mid ah Saraakiisha ciidanka Dowladda Somalia ee Gobalka Gedo ayaa u sheegay Warbaahinta in Ciidamadan ay yihiin kuwo u diyaarsan inay dhawaan ku dhaqaaqaan Degmada Baardheere iyo Deegaannada kale ee weli ku jira gacanta Al-shabaab.

Dhanka kale, dhaqdhaqaaqyo kuwan la mid ah ayaa laga dareemayaa deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, kuwaasoo ay wadaan ciidamada maamulka KMG ah ee Jubbaland iyo kuwa Kenya ee AMISOM ka tirsan.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa Goballada Jubbada Hoose iyo Gedo waxay kaga sugan yihiin dhowr degmo, waxaana dhawaan hoggaamiyaha Jubba uu sheegay in ay Qorsheenayaan duulaanno ka dhan ah Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya