4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 7 , 2015
Taliyaha Guud ee Ciidanka AMISOM oo booqday Jasiiradda Kudhaa ee Gobolka Jubbada Hoose (SAWIRRO)


Talaado, Luuliyo 07, 2015 (HOL) — Taliyaha Ciidamada AMISOM, Jen. Jonathan Rono ayaa Isniintii shalay booqday Jasiiradda Kudaa ee Gobolka Jubbada Hoose oo Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ay bishii Maarso 2015-kii ka qabsadeen Xarakada Al-shabaab.

Jasiiradda oo 120-km Koonfur-galbeed ka xigta magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo taliyuhu sheegay inay Al-shabaab u isticmaali jirtay goob ay hubka kala soo dagaan, isla markaana ay isaga gooshto degmada Baraawe iyo Gobolka Jubbada Hoose.

Intii aan laga saarin Al-shabaab waxay u istimcaali jirtay buu yiri meel ay tababarro ku siin jireen Xoogageeda. Iyadoo taliyuhu booqday fariisimaha ciidamada Midowga Afrika ay ku leeyihiin Jasiiraddaas intii uu booqashada ku joogay.

“Al-shabaab kuma Guuleysanayaan Hadallada ay Faafinayaan. Ciidamadeennu Waa kuwo diyaar u ah inay ka hortagaan weerar walba oo kaga yimaada Dhankooda iyo Cid walba oo carqalad wadda. Waayo ciidamadeennu waa kuwo u Tababaraan inay ka hortagaan weerar walba oo gaadmo ah. Khasaarihii ciidankeena kasoo gaaray weerarkii Leego ma ahan mid ah inay Al-shabaab guuleysatay. Waxaad arki doontaan maalmaha soo socda sida aan ula dhaqmeyno Al-shabaab,” ayuu yiri Jen. Jonathan Rono.

Sidoo kale, Taliyaha AMISOM ayaa Ciidamadii uu Kula Kulmay Jasiiradda Kudhaa ku Ammaanay sida ay howlahooda u gudanayaan ayna isaga dhego-tirayaan wararka ay Al-shabaab baahinayso. Isagoo sheegay inay warbaahinta u adeegsanayaan inay guuleysteen iyo hadallo kale oo dacaayado ah, sida inay AMISOM ka baxday goobo muhiim ah.

“Ciidankeenna iyo kuwa xoogga Somalia waxay maalmaha soo socda Qaadayaan weerarro ay ku xaqiijinayaan amniga iyo xasilloonida guud ee Somalia,” ayuu mar kale yiri Taliyaha Ciidamada AMISOM, Jen. Rono.

Taliyaha ayaa sheegay inay bixin doonaan wax walba oo saad ah oo ay ciidamada ku sugan Jasiiradda Kudhaa iyo Saldhigyada kale ee Somalia ku yaalla, si loo Xoojiyo Howl-gallada ka dhanka ah Al-shabaab, loona Xaqiijiyo Guulihii la Gaaray.

Ugu dambeyn, Socdaalka Taliyaha ayaa waxaa ku wehliyay Taliyaha Ciidamada Jasiiradda Kudhaa ku sugan, Jen. CYPRIEN Ndikuriyo, Madaxa Guud ee Howlgallada AMISOM ee Somalia, Col. Ahmed, Taliyaha Qaybta Shanaad ee AMISOM, Col. Ndagisimana Diomede iyo Saraakiil kale oo AMISOM ka Tirsan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya