4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 7 , 2015
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo la kulmay Gudiyada Doorashooyinka iyo Xuduudaha (SAWIRRO)


Talaado, Luuliyo 07, 2015 (HOL) — Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa Maanta kulan la Qaatay Gudiyada Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Xuduudaha, waxaana kulanka goobjoog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha iyo Qaar ka mid ah Agaasimiyaasha.

Wasiir-u-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Federaalka, C/rashiid Maxamed Xidig oo la hadlayay Gudiyada ayaa sheegay in howsha ay u Xil-saaran yihiin ay Guddiyada ku wareegayso, isla markaana markaana looga baahan yahay dulqaad iyo in Soomaali Weyn ay u dhexeeyaan.

“Gudiyadiinu waxaad tihiin kuwii lagu aaminay howshan muhiimka ah, haddii aan annagu nahay Wasaaradda Howshu way naga wareegtay wixii maanta ka dambeeya idinka ayaana la wareegaya, inta aad howshiinna isku-duba-ridaysaana Howsha innaga ayaa idiin sii wadi doonna, balse idinka ayay idinku soo wareegi doontaa ugu dambeyn,,“ ayuu yiri Xiddig.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia C/raxmaan Odawaa ayaa isaguna hadal dardaaran ah u jeediyay labadii guddi ee ay kulan la qaateen maanta, isagoo ku boorriyay inay howsha ay Soomaali-weyn ka sugayso ay kasoo dhalaalaan.

“Howshan idinka ayaan idiin soo xulannay, Waxaanan idin kugu soo xulnay dadnimadiina iyo Soomaalinimadiina, idin kumanan soo Dooran inaad Qabaabo iyo Saxiibbo nala tihiin. Haddaba waxaa la idinka doonayo waa inaad Doorashada 2016-ka ka dhacaysa dalka aad salka u dhigtaan, waa inaad noqotaan kuwo howshooda kasoo baxa dalkana aad gaarsiisaan doorasho,” ayuu kulanka ka yiri Odawaa.

Ugu dambeyn, Shalay oo ahayd Isniin ayay xildhibaannada baarlamaanka Somalia meel-mariyeen Guddiyada Madaxa-bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha oo ay soo xushay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya, waxayna ka kooban yihiin min Sagaal Xubnood oo rag iyo dumar isugu jira.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya