4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 7 , 2015
QARAX Khasaare Nafeed Sababay oo Maanta Ka Dhacay Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir

Talaado, Luuliyo 07, 2015 (HOL) — Inta la ogyahay laba ruux ayaa ku geeriyooday, afar kalena way ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, iyadoo qaraxan uu ka dhashay gaari waxyaabaha Qaraxa laga soo buuxiyay oo uu watay qof Shacab ah.

Goobjoogayaal ku suganaa halka uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in dhaawac uu kasoo gaaray qaraxa darawalkii gaariga watay. Iyadoo dadka dhintay iyo kuwa kale ee dhaawac-mayna ay ahaayeen shacab goobta ka dhawaa.

Sidoo kale, dadka goobta ku sugnaa ayaa sheegay in Qaraxa uu ka dhacay meel laga raaco gaadiidka dadweynaha ee Muqdisho ka shaqeeya, iyadoo Qaraxa kaddib ay goobta gaareen ciidammo ka tirsan kuwa booliiska Somalia.

Qaraxyada lagu xiro Gaadiidka ayaa kusoo kordhayay Muqdisho, Waxaana maalin ka hor ay ahayd markii gaari lagu soo xiray Qarax uu ka dhacay degmada Xamar-jajab kaasoo uu ku dhaawacmay darawalkii watay.

Hay’adaha Amniga dowladda Somalia ayaa horay uga digay gaadiidka gaarka ah ee ay leeyihiin Xubnaha Dowladda ka tirsan inay ka Taxadaraan Goobaha ay dhigtaan, kaddib markii ay badatay Gawaarida Qaraxyada lagu soo xiro.

Ugu dambeyn, tan iyo markii ay dhalatay bisha barakeysan ee Ramadaan Waxaa Muqdisho ka dhacay Qaraxyo iyo dilal kala duwan oo ay Mas’uuliyadooda sheegatay Xarakada Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya