4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 7 , 2015
MINNESOTA: Kulan dhaqaale loogu Ururinayay dhismaha Waddada isku xirta Gaalkacyo & Hobyo


Talaado, Luuliyo 07, 2015 (HOL) — Kulan ballaaran oo lagu taageeryay dhismaha waddo dhererkeedu yahay 265-km oo ka billaabanaysa Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug illaa Magaalo Xeebeedka Hobyo ayaa lagu Qabtay Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota.

Kulankan oo ay kasoo Qayb-galeen Boqollaal Dadwayne ah oo kala duwan ayaa ugu horreyn waxay daawadeen Film laga soo duubay wadada labadaa magaalo sida ay hada tahay iyadoo laga dheehanayay burbur aad u wayn, muqaalkaa kaddib ayaa hadana dadka la tusay wadada oo hada si tijaabo ah loo sameeyay 3-km.

Sida la sheegay waxaa jidkan la dhisay sannadkii 1925-kii wixii xilligaa ka dambeeyayna ma helin wax dayactir ah, waxaana la doonayaa in lagu dhiso iskaa wax u qabso iyadoo qarashka ku baxayna laga sugayo umadda Soomaaliyeed sida ay sheegeen hawlwadeenada Barnaamijkan oo lagu magaacabo Gudidga Baraarujinta iyo Horumarinta Bulshada (GOB).

Waxaa magaalada Minneapolis soo gaaray gudigaa oo ka kooban wafdi sadax qofood ah kuwasoo kala ahaa Prof.Cabdiqadir M.Shirwac. Maxamed Axmed Urur. Iyo Cumar Salaad Cilmi oo dhamaantood uga yimi hirgalinta ama dhaqaalo ururinta barnaamijkaan Soomaaliya iyagoo soo maray dalka Ingiriiska.

Shiikh Maxamed Caafi ayaa kulankaan ku daahfuray khudbad Diini ah oo uga warramayay sida diinteenu u dhiiri galisay in umaddu iska gargaarto xag walba, waxuuna Shiikhu xusay inay tahay sadaqo jaari ah qofkii wax ku darsada wado la dhisaayo.

HALKAN KA DAAWO FIDIYOOW KU SAABSAN KULANKA MINNESOTA;

Toban sano ka hor ragga halkan fadhiya waxay noo keeneen fikrad tasoo aheed  midii lagu dhisay galmudug  way ku guulaysteen ,maantana waxay noo keeneen  arintaan muhiimka ah waxaa sidaa yiri Gudoomiyihii hore ee baarlamaanka Galmudug Xasan Maxamud Hayl  isagoo ka mahadceliyay sida wax ku oolka ah ee jaaliyaddu uga soo qaybgashay kulankaan

Maxamed Axmed Urur ayaa sheegay in wadadaas in ay halbowle u tahay umadda waxayna abuuraysaa shaqooyin , waxuuna xusay in inta u dhaxaysa Gaalkacyo ilaa hobyo ay ku nool yihiin malaayiin xoolo noola waxaana idinka codsanaynaa in aad wax nagala qabataan sidaa nolol ugu sameen laheen umadda ku nool dhulkaas oo u baahan in wuu noloshooda xag walba ka badali doono dhaqaalaha caafimaadka iyo shaqo abuurista intaba.

Dad ganacsado ah baa isku dayay in Dakada Hobyo ay dhisaan waxay soo iibiyeen qalab lakiin waxaa loo waayay qalabkii wado la mariyo waana baahida keentay maanta in qaylodhaanta taageerada wadadaa aan badaha usoo gudubnay , Umadda soomaaliyeed waxaan lee yahay yaan waqti isaga dhumin maxaa loo yeeli waayay maxaa loo qaban waayay waa inaan hada kadib isku tashanaa inaan anagu hada iyo waxii ka danbeeya isku tashano, iskaa wax uqabso ku dhisano dalkeena , dadka Soomaaliyeed tijaababooyinkaa hore bay ugu soo guulaysteen waxaa sidaa yiri Prof. Cabdiqadir Maxamed Shirwac ,

Wuxuu kaloo ka warbixiyay Prof. Shirwac Jaaliyadahii wuu la soo kulmay sida ay usoo dhaweeyeen mashruucan waxuuna ka soo bilaabay magaalada Muqdisho wuuna ku aamanay Haweenka magaaladaa sida geesinimada leh ay u garab istaageen ,Nayroobi Kenya iyo London waxii wuu kala kulmay ayaa aad loogu sacab tumay. Waxuuse dadka Minnesota faray inay Barnaamijkaan ugu yaboohaan aduun dhan Hal Milyan iyo bar oo dhan intii ay reer UK isku xilqaameen

Cumar Salaad Cilmi ayaa isaguna lahadlay dadkii kulankaa ka sooqayb galay faray in lagu tashado inaan wax iskuqabano waxaa la bartay tuugsi waxaana wax walba laga sugaa hay’ado waana in talada saarano allaha wayn awoodeenana aan ku xisaabtano ayuu yiri Cumar Salaad.

Cumar Waxuu kaloo sheegay in mashruucan la qorsheenayo in lasoo gunaanaday sanadka 2016-ka iyadoo horaantii sanadkaan bilaabmay. Waxaan goobta lagu magaacabay guddi ka kooban jaaliyadda oo isagu jira culumo, Dhalinyaro Ganacsado iyo Haween oo ka qayb-qaata Mashruucan oo Xarun u ah Xawilaadda Hodan Global oo looga sameeyay sanduuq lagu uririyo dhaqaalaha loogu talo-galay mashruucan.

Waxaa goobta lagu soo bandhigay Suugaan kala duwan oo laga hadlayay sidii loo taageeri lahaa Mashruucaa. Waftiga ayaa  kulan kale ku qaban doona magaalada Toronto 10 July; iyagoo uga sii gudbidoona qaarada yurub sida ay sheegeen.

Siyad Said Salah, Hiiraa Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota