4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 7 , 2015
Madaxweynaha Somalia oo Magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socda Hindiya (SAWIRRO)

Xasan Sheekh iyo Jen. Vijay Kumar Singh
Mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Somalia
Madaxweyne Xasan iyo Jen. Kumar Singh
Wafdiga ka socday dalka Hindiya
Hadliye oo Shirka Jaraa'id ka hadlaya
Afhayeenka Madaxtooyada iyo Jen. Kumar
Jen. Kumar oo ka hadlaya Shirka Jaraa'id
Jen. Kumar iyo Mas'uul ka tirsan DFS
Wafdiga ka socda dalka Waddanka India

Talaado, Luuliyo 07, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa Maanta xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ku Qaabilay Wafdi uu Hoggaaminayay Wasiir-u-dowlaha Arrimaha Dibadda ee dalka India, Jen. Vijay Kumar Singh.

Xasan Sheekh iyo Wasiirka ayaa kawada hadlay Xoojinta xiriirkii soo jireenka ahaa ee ka dhexeeyay Somalia iyo India, kaasoo uu hakad galay intii ay dalka ka socdeen colaadaha sokeeye.

“Soomaaliya & Hindiya waxayna muddo fog ahaayeen laba Dala oo si aad ah isugu dhow. Booqashadaada waxay fursad u tahay dib u soo Nooleynta Xiriirkaas iyo i-skaashiga cusub oo labada dal u dhex-mara,” ayuu yiri madaxweynaha Somalia.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wasiirka ayaa sidoo kale isku af-gartay in labada dal ay yeeshaan iskaashi dhinacyada kaabeyaasha dhaqaalaha, ganacsiga, maal-gashiga, iskaashi dhinaca Waxbarashada iyo hirgelinta dugsiyo mihnadaha shaqo lagu barto.

Dhanka kale, Jen. Singh ayaa isna sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka ay Somalia ku tallaabsatey dhinacyada siyaasada, nabadgelyada iyo arrimaha bulshada, isagoo dhanka kalena Xaqijiyay in Hindiya ay diyaar u tahay intii karaankeeda inay caawiso Somalia, si mar kale uu waddanku dib cagahiisa isu taago.

Kulanka ayaa waxaa kaloo looga hadley Xaaladda dad Soomaali ah oo ku xiran xabsiyada India, kuwaasoo uu Madaxweynaha codsadey in deg-deg wax looga qabto, Dowladda India way Aqbashay.

Wasiir-u-dowlaha Arrimaha Dibadda dalka Hindiya, Vijay Kumar Singh ayaa kulankaasi ku Guddoonsiiyay Madaxweynaha Warqad casuumaad oo uu ka siday Ra'iisul Waaaraha Hindiya, Narendra Modi, kuna saabsan in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka Qayb-galo Shir-madaxeedka iskaashiga Afrika iyo Hindiya oo bisha October ee sannadkan ka dhici doona magaalada New Delhi ee xarunta dalka India.

Ugu dambeyn, Kulankan ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, C/salaam Cumar Hadliye iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya