4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 7 , 2015
AMISOM oo Raashin ah u Qaybisay Qoysas kala duwan oo ku nool Gobolka Banaadir (SAWIRRO)


Talaado, Luuliyo 07, 2015 (HOL) — AMISOM oo kaashanaysa hay'ado Samafal ayaa gar-gaar cunto oo kala duwan ka Qaybisay Muqdisho, iyadoo sheegay inay ugu talo-galeen in shacabka Soomaaliyeed ay isticmaalaan inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Qaybta rayidka ah ee millateriga AMISOM oo kaashanaysa xarunta horumarinta bulshada ee CDC ayaa Axaddii lasoo dhaafay gargaar cunno u qaybsay dadweyne Soomaaliyeed. Iyadoo gargaarkan uu isugu jiray Bariis, Sokor, Saliidda Raashinka lagu karsado, Caano-boore iyo Timir.

“Gargaarka waxaan ka bixinnay Iskuulka Al-Jazeera oo ku yaalla Muqdisho, iyadoo qoys walba oo ka faa’iideystay la siiyay 75-kg oo Sokor ah, 75-kg oo Bur ah, 75-kg oo Bariis ah, 75 caag oo saliidda wax lagu karsado ah iyo cunnooyin kale,” ayaa lagu yiri warbixin ay AMISOM soo saartay.

Sidoo kale, warbixinta AMISOM lagu xusay in deeqdan ay ka faa’iideysteen 75-qoys oo u baahnaa in deeq lala gaaro inta lagu jiro Ramadaanka. Iyadoo madaxa xafiiska maamulka AMISOM, Col. Darlington Mugisha uuu Hoggaaminayay Kooxda ka tirsan AMISOM ee gargaarka Qaybinayay.

“Raashinkan Gargaarka ah Waxaa ka Faa’iideystay Qoysas badan oo Muqdisho ku dhaqan, waxaan sidoo kale doonaynaa inaan gargaar kan oo kale ah ka bixinno Degmada Afgooye, waxaana gargaarkan ugu talo-galnay in qoysasku ay u kaashadaan bisha Ramadaan,” ayuu yiri Col. Mugisha.

Qoysaska Deeqdaan la siiyay ayaa waxay sidoo kale Saraakiisha AMISOM sheegeen in la siiyay lacag shillin Somali ah oo u dhiganta 20-doollarka Mareykanka ah, si ay uga iidaan uga dhigtaan, iyagoo u mahadceliyay ciidamada Midowga Afirka ee AMISOM.

Dhanka kale, ku xigeenka wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Lydia Wanyoto iyo shaqaale ka tirsan hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka ayaa gargaar cunno ah u Qaybiyay dadweyne ku nool degmada Wadajir iyo Bukaanno ku jira Isbitaallo.

Lydia Wanyoto, ayaa sheegtay in gargaarkan uu yahay Qayb ka mid ah Gargaarro ay ugu talo-galeen inay ku caawiyaan shacabka Soomaaliyeed inta lagu jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan, iyadoo u Mahad-celisay hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta.

Ugu dambeyn, Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta ayaa tan iyo markii ay dhalatay Bisha Ramadaan waxay Muqdisho kawadday howlo ay ku caawinayso Shacabka Somalia, iyadoo Gargaarradeeda ay ka Faa’iideysteen in ka badan 4,500 oo qoys.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya