4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 7 , 2015
Xoogag ka Tirsan Al-shabaab oo 14 Qof ku dilay Xaafad ka mid ah Xaafadaha Magaalada Mandheera


Talaado, Luuliyo 07, 2015 (HOL) — Ugu yaraan 14-qof ayaa lagu dilay 10 ruux oo kalena waa lagu Dhaawacay kaddib markii Xoogag Taabacsan Al-shabaab ay Weerar ku Qaadeen xaafad ka tirsan degmada Mandheera ee Gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya.

Guddoomiyaha Degmada Mandheera, Alex Ole Nkoyo ayaa Xaqiijiyay Weerarkaan oo ka dhacay Xalay Abaare 1:00 Habeennimo Xaafad lagu Magacaabo Soko Mbuzi oo ka Tirsan degmada Mandheera.

Nkoyo ayaa sheegay in kooxo hubeysan oo Al-shabaab ka tirsan ay weerar xooggan kusoo qaadeen Xaafaddaas xilli ay dadku hurdayeen. Isagoo xusay in inta badan dadku ay jiifeen teendhooyin guryahooda ku hor-yaalla, kuleyl jira awgiis.

“Xoogagga weerrarka soo qaaday waxay teendhooyinkii ay dadku jiifeen ku tuureen bam-gacmeedyo, kaddibna waxay ku billaabeen rasaas nool,” ayuu yiri Nkoyo oo la Hadlayay Warbaahinta.

Sidoo kale, Guddoomiyuhu Degmada Mandheera ayaa Xusay in inta badan Dadka la dilay iyo kuwa la dhaawacay ay ahaayeen dad isku Xiran oo Shaqaale ah, iyadoo ay Dadkii ka badbaaday weerarkan ay sheegeen in xoogaggii soo weeraray goobta ka baxsadeen markii ay soo gaareen goobta ciidamada booliiska Kenya.

Olex Nkoyo ayaa intaas ku daray in Ciidamada Booliiska Kenya ay adaan Baaritaanno ay raadinayaan kooxihii weerarkan geystay, kuwaasoo aanu sheegin goob ay ku baxsadeen.

Dhanka kale, taliyaha booliiska Mandheera, Job Boronjo oo isna Warbaahinta dalka Kenya la Hadlay ayaa Sheegay in mid ka mid ah Guryaha la Weeraray lagu Arkay Walxaha Qarxa ayna ciidanka u tababaran qarxyada ku howlan yihiin sidii aysan walaxdani u qarxi lahayn.

Xoghayaha Guud ee Hay’adda Bisha Cas ee Kenya, Abbas Gullet ayaa isna sheegay in afar ka mid ah Dadkii ku dhaawacmay Weerarkan loo duuliyay Magaalada Nairobi si loogu soo daweeyo dhaawacyadooda oo ahaa kuwo culus.

Ugu dambeyn, Bishii December ee Sannadkii lasoo Dhaafay ayay ahayd markii lagu dilay 36-qof oo aan muslimiin ah ahayn deegaan ku dhow Mandheera, kuwaasoo mas’uuliyadda dilkooda ay sheegatay Xarakada Al-shabaab ee Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya