4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 31, 2015
BELEDWEYNE: Idaacada Hiiraan Weyn oo soo gunaanaday tartan Aqooneedkii Ramadaanka (SAWIRRO)


Jimco, Luuliyo 31, 2015 (HOL) — Xaflad balaaaran oo ay soo agaasimeen maamulka iyo shaqaalaha Idaacada Hiiraan Weyn, laguna abaal-marinayay tartamayaashii kuu guuleystay tartan aqooneedka bisha Ramadaan ee Idaacada, ayaa lagu qabtay magaalada Beledweyne.

Taranka la soo gabagabeeyay ayaa noqonaya sanadkii saddexaad oo ay qabto Idaacad, ayaa waxaa ku tartamayay kooxo ka kala socday xaafadaha Beledweyne, iyadoo Sanadkaan tar-tanka ay ku guuleysteen tartamayaashii ka socda xaafadda Xaawo-Taako.

Xafladda ayaa waxaa goob-joog ka ahaa mas’uuliyiin ka socotay maamulka Beledweyne, Aqoon-yahanno, Dhallinyaro, Ururrada Haweenka iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Guddoomiyaha guddiga tartan aqooneedka Jamaal Cali Cabdi oo ka hadlay xaflada ayaa ka waramay marxaladihii kala duwanaa uu soo maray tartanka isagoo xusay in uu tartanka ku dhamaaday jawi aad u wanaagsan tartamayaashii ka qeybgalayna ay ku qanceen natiijada tartanka.

Maamulka Sare ee Idaacada Hiiraan Weyn, Maxamed Cismaan Makaraan oo ka Hadlay Munaasabada ayaa xusay in ujeedka tartanka uu ahaa sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta daka isla markaana bulshada ay isku dhexgeli lahayd.

Sidoo kale, waxaa munaasabada ka hadlay guddoomiye ku xigeenka Beledweyne Bashiir Xuseen Dhoore, wuxuuna guddoomiye ku xigeenku u mahadceliyay Idaacada Hiraan weyn oo soo Qaban-qaabisay tartankan iyo dadwenihii ka Qayb-galayba.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan kasoo qaybgalo xafladda lagu abaal-marinayo dadkii ka qaybgalay barnaamijka Tartan Aqooneedka waxaan ka codsanayaa idaacada Hiranweyn in ay sii wado barnaamijyada noocan oo kale oo bulshada faa’idada u leh,” ayuu Bashiir ku hadalkiisa.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka Magaalada Beledweyne ayaa Guddoonsiiyay Abaal-marino lacageed Saddexdii tartame ee ka galay tartan Aqooneedka kaalmaha hore.

Ugu danbeyntii,tartan aqooneedkan ay soo gabagabeysay Idaacad ayaa marka laga soo tago kooxihii ku tartamayay waxaa iyana ka faa'ideystay qeyba kale ee bulshada oo siweyn ugu xirnaa mudadii uu socday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya