4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 31, 2015
KALONZO MUSYOKA: Darbiga Xuduuda laga Dhisayo ma ahan Mid naga celin kara Al-shabaab


Jimco, Luuliyo 31, 2015 (HOL) — Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wiper oo ka Dhisan Dalka Kenya, Kalonzo Musyoka Horayna u soo noqday Madaxweyne ku xigeenka Kenya ayaa dhaleeceeyay darbiga ay xukuumadda Kenya ka dhisayso xadka ay Somalia la wadaagto, kaasoo ay sheegtay inay kaga hortagayso Al-shabaab.

Musyoka oo dhismaha Jaamacadda Nairobi kula Hadlayay Arday barta Sharciga ayaa ku dooday inaysan maqcuul ahayn in dabigan la dhiso xadka, xilli dad u dhashay Kenya ay horay ugu biireen Al-shabaab.

“Al-shabaab waxay hadda isticmaalaan Aragtiyo kala duwan. Ma ahan Al-shabaab dad ka yimid Soomaaliya oo keliya, balse hadda Waxay joogaan Magaalooyin ay ka mid yihiin; Kamba, Kikuyu, Luo and Luhya,” ayuu  yiri Musyoka.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaa raaciyay. “Sidaa darteed waa doqonnimo in Xuduuda oo dhan laga dhiso darbi. Waxaa la yaab leh inay yiraahdaan Waxaa Darbi kale laga dhisaynaa Islii [Eastleigh], marka adigu is-weydii, imisa darbi ayaa la dhisayaa.”

DAGAALLO SOKEEYE;

Kalonzo ayaa uga Warramay Ardayda kulliyadda Sharciga ka barta Jaamacadda Nairobi dagaallada Sokeeye ee ku saleysan Qabyaaladda iyo Casharrada ay Kenya ka baran karto Colaadaha Sokeeye ee ka socda Waddanka ay dariska yihiin ee Koonfurta Suudaan.

Xukuumadda Kenya ayaa Shaacisay inay darbi ka dhisayso xadka ay Somalia la wadaagto, kaasoo ay kaga hortagayso in Al-shabaab ay u soo tallaabto Gudaha Kenya si ay Weerarro uga geysato.

Musyoka ayaa ka dalbaday Ardayda inay ka Fogaadaan Dhaqamada ku Saabsan Qabiilada, isagoo yiri. “Tani waa Qaybo ka mid ah Colaadaha saameynta xooggan ku yeeshay dalalka Somalia iyo Koonfurta Suudaan.”

Sidoo kale, madaxweynihii hore ee dalka Kenya haddana ka mid ah Xubnaha CORD oo ah isbahaysiga Mucaaradka Kenya ayaa Ardayda u sheegay in Noloshu ay tahay awood, ayna ka shaqeeyaan sidii ay dastuurka wax uga bedeli lahaayeen, isagoo yiri. “Ma jirto wax noo diidaya inaan dastuur yeelanno, hadda waanu leennahay dastuur wanaagsan, Laakiinse ma dhameystirna, taasina waa tan aanu u Dalbanayno in wax laga bedelo, iyadoo Ruux walba oo dalkan ku nool uu u arko in qodobka lixaad ee dastuurkeenna uusan rumeysnayn in lagu dhaqmi karo.”

Mr Kalonzo ayaa sidoo kale dhaleeceeyay Garsoorka, isagoo yiri. “Waxaad is-weydiisaan go’aankii ay garsoorayaashu ka qaateen dacwaddii aanu horay uga gudbinnay doorashadii Kenya ka dhacday.”

Ugu dabmeyn, Musyoka ayaa yiri. “Waa inaad arrintan daraasad ku sameysaan marka aad qaadanaysaa Shahaada Jaamacadda, waana inaadan ku dhaqmin sida garsoorayaasheennu u dhaqmaan oo kale.”

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya