4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 31, 2015
Maamulka Jubbaland oo ka Warbixiyay Shirka ansixinta dastuurka ee ka socda Kismaayo
Jimco, Luuliyo 31, 2015 (HOL) — Iyadoo maalintii sedexaad uu magaalada Kismaayo ka soconayo shirka la doonayo in lagu ansixiyo dastuurka maamulka Jubbaland, ayaa waxaa arimahaasi saxaafadda uga warbixiyay wasiiru dowlaha madaxtooyada Jubbaland Mudane C/qani Cabdi Jaamac.

Masuulkan oo warbaahinta kula hadlay gudaha xarunta Caymiska oo ah halka uu shirku ka soconayo ayaa sheegay in ergada 300- ah ee ka doodeeysa arimaha dastuurka ay maanta aad uga doodeen qodobo dhowr oo kamid ah qabyo-qoraalka dastuurka Jubbaland.

"Ergada waxaa loo qeeybiyay koox-koox, waxaana loo qeybiyay koox kasta cutubyo kamid ah dastuurka, waxayna ka sameeyeen doodo, iyagoo gudiga usoo gudbinayay aragtiyadooda ku aadan qodobada ay ka doodeen," ayuu masuulkan hadalkiisii raaciyay.

Wasiiru dowlaha ayaa intaa ku daray in maalinta berito ah loo fariisan doono ansixinta dastuurka, isagoo sheegay in ergadu ay soo gudbisay qodobo ay u arkaan in ay tahay in lagu kordhiyo dastuurka, kuwaasoo uu xusay in tixgelin la siin doono.

Sida uu wasiiru dowluhu saxaafadda u xaqiijiyay, ansixinta dastuurka kadib ayaa la filayaa in magaalada Kismaayo ay ka bilaabato qabanqaabada ku aadan doorashada madaxweeyne cusub oo uu yeelan doono maamulka Jubbaland.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya