4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 31, 2015
Ururka Ahlusuna oo kasoo horjeestay Qodobadii Shirkii Hiigsiga Somalia ee ka dhacay Muqdisho


Jimco, Luuliyo 31, 2015 (HOL) — Ururka Ahlusunna Waljamaaca ayaa kasoo horjeesatay Qodobadii kasoo baxay Shirkii Shalay Muqdisho lagu soo Gunaanaday ee looga Hadlayay Hiigsiga Somalia ee Sannadka 2016-ka.

Guddoomiyaha golaha talada ee Ahlusunna, Sh. Cumar Sh. C/qaadir Aadan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qodobbadii shirkaas kasoo baxay Ahlusunna ahaan aysan aqoonsanayn, isla markaana aysan taageeri doonin.

Sidoo kale, Sh. Cumar C/qaadir ayaa xusay in Shirkaasi uu yahay oo kaliya mid lagu lug-goynayo Ummadda Soomaaliyeed. Isagoo intaas ku daray in Arrimihii looga hadlay ay yihiin kuwa ay dad gaar ahi dano ka lahaayeen, balse aysan jirin wax dan ah oo Ummadda Soomaaliyeed ugu jira.

“Ahlusunna ahaan Waanu kasoo Hor-jeednaa Qodobbadii kasoo baxay shirkii lagu Qabtay Muqdisho, waayo wuxuu ahaa shir lagu xagal-daacinayo Soomaaliya, isla markaana ay dad gaar ah dano ku wateen, balse aanay Somalia dan ugu jirin,” ayuu Guddoomiyaha Golaha talada Ahlusunna Waljamaaca ku yiri hadalkiisa.

Dhanka kale, mas’uul ka tirsan Ahlusunna ayaa isagana sheegay inay kasoo Hor-jeedaan Maamulka KMG-ka ah ee Galmudug ee dhawaan lagu dhisay Cadaado, isagoo sabab uga dhigay inay ka waayeen jagooyinkii ay xaqa u lahaayeen.

Ugu dambeyn, Go’aanka Ururka Ahlusunna Waljamaaca ayaa kusoo Beegmaya Xilli lagu soo Gaba-gabeeyay Shirka Hiigsiga Somalia ee 2016-ka, kaasoo laga soo saaray Qqodobbo dhowr ah oo ay ka mid tahay in dalka ay doorasho ka dhacdo 2016-ka.

Si kastaba ha ahaatee, Waxaa Shirkan aan ka Qaybgelin Maamul-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, iyadoo Puntland ay sheegtay in sababta ay uga Qayb-geli wayday ay tahay in shirkan uusan ahayn mid dan u ah Ummadda Soomaaliyeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya