4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 31, 2015
WARAABE: Markii horeba Ruwaayad ayay ahayd inay 2016-ka Soomaaliya ka dhacdo Doorasho


Jimco, Luuliyo 31, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland, Faysal Cali Waraabe oo u Warramay mid ka mid ah idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in guud ahaan ay qaldan tahay Qaabka hadda loo wado siyaasadda Somalia, isagoo tilmaamay in waxaan suuro-gal ahayn Dusha laga saaray shacabka Soomaaliyeed.

Inj. Waraabe ayaa intaas ku aray in Soomaaliya loo xiray shaar uu sheegay inay soo toleen dad kale oo iyaga isku soo jimeeyay, kaasoo le’kaan waayay, isagoo xusay inaysan ahayn wax dan u ah Ummadda Soomaaliyeed, mana ahan wax ka yimid shacabka Soomaaliyeed oo ay ku heshiiyeen.

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in qaabkii loo maray Road Map-kii Soomaaliya inay ahayd mid aad u qaldanaa, isla markaana dadkii saxiixay ay ahaayeen kuwo aan ka fikir danta Soomaaliya.

“Waa mashruuc aan soconayn waxa Soomaaliya ka socda, waana wax loogu talo-galay in Shacabka Soomaaliyeed lagu sii kala qob-qobo, marka Arrintaas ma ahan mid Soconaysa, Soomaaliyana horumar lagu gaarsiin karo,” ayuu yiri Inj. Faysal Cali Waraabe.

Dhinaca, kale Guddoomiyaha Xisbiga UCID ayaa sheegay inay muuqatay inay Somalia ka dhici karin doorasho Qof iyo cod ah, balse ay tahay arrin lacag uun lagu cunayo oo aanay dani jirin shacabka Soomaaliyeed.

“Riwaayad ayay ahayd in 2016-ka ay doorasho Qof iyo Cod ah ka dhici karin Soomaaliya, waayo waa dal kala qob-qoban, Ajaanibta joogtana aysan sugi karin ammaanka. Waxaana u arkaa inay tahay mid lacag lagu cunayo oo keliya,” ayuu hadalkiisa ku daray Inj. Faysal.

Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Somaliland UCID ayaa ku baaqay in haddii la doonayo Xaaladda Soomaaliya inay is-bedasho in marka hore dhismaha dowladda laga soo billaabo hoos; taasoo ah midda keliya ee Somalia looga dhisi karo dowladda aan federaal ahayn.

“Annaga haddii aynu nahay Somaliland waan tashanay, Soomaaliyana waxaa looga baahan yahay sidaas oo kale u tashato, waa in hoos laga soo billaabaa dhismaha dowladnimada, waana in laga tagaa awood-qaybsiga ku saleysan beelaha,” ayuu mar kale yiri Guddoomiyaha UCID.

Ugu dambeyn, hadalka Inj. Faysal Cali Waraabe ayaa imaanaya xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhawaan Sheegtay in Dalka aysan ka dhici karin Doorasho Qof iyo Cod ah, taasoo lagu waday inay dhacdo Sannadka 2016-ka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya