4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 31, 2015
WARBIXIN: Qodobada ugu Muhiimsan ee kasoo baxay Shirkii Hiigsiga 2016-ka ee Soomaaliya


Jimco, Luuliyo 31, 2015 (HOL) — Shirkii Hiigsiga Somalia ee 2016-ka oo shalay lagu soo gaba-gabeeyay Muqdisho ayaa waxaa laga soo saaray illaa 37 qodob oo ay ku xubnihii ka socday beesha Caalamka.

Qodobada Shirka kasoo baxay waxaa ka mid ah in la taageero maamul goboleedyada dalka ka jira iyo kuwa dhismaya, iyadoo si gaar ah loo taageeray maamulka KMG ee Galmudug iyo Baarlamaankiisa.

Waxaa kaloo Qodobbada ka mid ahaa in la Taageero Dib u dhiska Hay’adaha Dowladda Federaalka Somalia, Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo in sidoo kale la dar-dar-geliyo Hawlaha Horyaala Dowadda; dhameystirka Federaalka iyo dib u habeynta Garsoorka.

Sidoo kale, Waxaa ka mid ahaa dib-u-eegista Dastuurka Somalia, iyadoo loo marayo Hab-sharciyeysan oo Federaal ah oo loo dhan yahay iyo inay Hoggaanka Somalia iyo Golaha Baarlamaanka ay Qorshe mideysan ka gaaraan doorashada Sannadka 2016-ka, taasoo hor-seedeysa horumar.

Waxaa la amaanay dagaalka ka dhanka Argagaxisada ee ay wadaan ciidamada Somalia iyo AMISOM, iyadoo la Dar-dar-gelin doono Howlgalka Wadajirka ah ee lagu ciribtirayo Al-shabaab; iyadoo howlgalka lagu dhinac adayo Gargaar bani'aadamnimo, ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo dhowrista Sharciga.

Xubnihii Shirka ka Qayb-galay Waxay kaloo isku raaceen inay Tallaabo muhiim ah tahay dardar-gelinta dhaqaalaha iyo deeqaha caalamiga ah iyadoo la marsiinayo Bangiga Dhexe ee Somalia, lana Tix-raacayo Sharciga 1989-kii oo ahaa Kaabista Dhaqaalaha, Dowlad-wanaagga iyo baahinta maamullada.

Dhanka kale, waxaa Qodobbada Shirka ka soo baxay ka mid ahaa Qorshaha Dib-u-eegsita waxayaabihii Qabsoomay laga soo hoyo Guulo wax-ku-ool ah; iyadoo la garwaaqsaday in lasii horumariyo, Waxaa la isla gartay in si gaar ah loo eego Qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Yeman kasoo Qaxay, sida inay helaan dib u dejin iyo hooy.

Qodobbada waxaa ka mid ahaa in Somalia aysan Duruuftu saameyn in Doorasho Qof iyo cod ah loo dareero, balse badalkeeda ay dalka ka dhici doonaan doorasho ka ballaaran tii hore u soo martay, iyadoo aysan jirin wax waqti kororsi ah marka uu Dhammaado Xilliga Dowladda Federaalka ah ay Shaqeynayso Sannadkii 2016-ka.

Ugu dambeyn, Shirka Hiigsiga Soomaaliya ee 2016-ka ayaa ka socday Muqdisho Laba Maalmood ah, iyadoo ay ka qaybgaleen 32 wafdi oo ka kala socday Beesha Caalamka, Dowladda Somalia iyo sidoo kale xubno ka socday Maamullada dalka ka jira Qaarkood.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya