4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 31, 2015
WASIIR DIINI: Horumar Waxaan Gaari karnaa Markaan dib u dhisno Ciidankeena Qaranka (SAWIRRO)


Jimco, Luuliyo 31, 2015 (HOL) — Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa Warbixin ku Aaddan Xaaladda Ammaan ee dalka, dagaalka lagula jiro Al-shabaab, dhismaha iyo isku-dhafka ciidamada Qalabka sida, wuxuu siiyay shirkii Madasha Sare ee Iskaashiga ee Barnaamijka Hiigsiga Cusub ee lagu Qabtay Muqdisho.

Jen. Diini ayaa tilmaamay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ay guulo ka gaareen Hawlgalka dalka lagaga Sifaynayo kooxda Al-shabaab, isagoo xusay in dhammaan hawlgaladii dhowaan la qaaday lagu guuleystay, isla markaana xilliga dhow ee soo socda la bilaabi doono hawlgallo kale oo laga samaynayo qaybaha dalka.

Sidoo kale, Jen. C/qaadir Diini ayaa sidoo kale hoosta ka Xarriiqay in Ciidamada Xoogga Dalka ay haystaan Caqabado dhinaca baahiyahooda ah sida hubka rasasta, isgaarsiinta iyo agabka ciidamada. Wasiirku wuxuu xasuusiyey Xukuumadda Soomaaliya iyo wakiiladda beesha caalamka inay lagama maarmaan tahay dhismaha ciidamada dalka, si ammaanka dalka loo hanto; meeshana looga saaro kooxaha nabadda kasoo horjeeda ee khatarta ku ah Somalia, dalalka Gobolka iyo kuwa Adduunka oo dhan.

Wasiirka Gaashaandhigga Somalia ayaa ka hadlay isku-dhaf ciidamada oo uu sheegay in hawl-wanaagsan laga qabtay, isagoo xusay in la wado qorshaha Guulwade oo lagu qorayo ciidamo ka socda qaybaha dalka oo dhan.

Ugu dambeyn, Jen. Diini ayaa shirka ku guubaabiyay in dalalka Saaxiibka la ah Somalia ay ka Dhabeeyaan Ballan-qaadyadii ay u sameeyeen taageerida dhismaha Ciidamada Qaranka Soomaaliya, si loo gaaro yoolka la hiigsanayo ee ah Soomaaliya Xasilloon oo horumartay.


Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya