4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 30, 2015
XISBIGA KULAN: Waa in Doorasho iyo Isbedel ay dalka ka dhacaan Sanadka 2016 (SAWIRRO)


Khamiis, Luuliyo 30, 2015 (HOL) — Hoggaanka, Aasaasayaasha iyo Howl-wadeennada Xisbiga Kulan oo Maanta Kulan Wada-tashi ah ku yeeshay Muqdisho ayay uga Hadleen Xaaladda Siyaasadeed ee Dalka iyo Waxqabadka Xisbiga Kulan Muddadii Shanta bilood ahayd ee uu jiray.

Kulanka Xisbiga ayaa laga soo saaray War-mutiyeed, kaasoo ka kooban Qodobbo Dhowr ah, oo ay Qaarkood ku dalbanayeen in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho xor ah marka la gaaro Sannadka 2016-ka.

XAALADDA SIYAASADEED EE DALKU MARAYO;

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulan, Muxyadiin Maxamed Xaaji Ibraahim, Guddoomiyaha Kutladda Baarlamaanka ee Xisbiga, Xildhibaan Maxamed Maxamuud Ibraahim (Godir) iyo Hoggaanka Xisbiga Kulan ayaa ka Warbixiyay xalaada dalka iyagoo tilmaamay:-

1. In Xukuumada iyo Baarlamaanka Federaalka Somalia ay go’aankoodii shalay ay soo saareen ee ahaa ‘In dalka aysan doorasho toos ah ka dhici karin’ wuxuu nuxurkiisu ahaa inay fagaaraha lasoo istaageen inay kasoo bixi waayeen howshii ama Waajibaadkii Dustuuriga ahaa ee ahaa inay dalka gaarsiiyaan doorasho toos ah sannadka 2016-ka.

2. Xiriirkii Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo Xumaaday.

3. Xukuumada oo ku guul-darreysatay in Ahlusunna Waljamaaca Wadahadal dhab ah lala furo si maamullada dhisamaya ay qayb uga noqdaan.

4. In Hoggaanka sare ee dalka ballan-qaadyadii uu doorashadii 2012-ka ku guul-dareystay una hanqal-taagayo inuu Fadhiidnimadii, Dhaqaale-xumadii iyo Niyad-jabkii kusii hayo Shacabka Soomaaliyeed, shaqaalaha Rayidka ah iyo Ciidamada Qalabka Sida.

5. Waxaa Muuqata Cuuryaamintii Xukuumadahii is-xigxigay; iyadoo labo Ra’iisul Wasaare khilaaf macno-darro ah kaddib la riday iyo dib u dhiggii Howlo badan oo u yaallay Xukuumadda iyo Barlamaanka Federaalka ah ay Ujeeddada looga Gol-lahaa ahayd in Marxaladda iminka dalka ku jiro la gaarsiiyo si marmarsiiyo loogu helo Xukun kororsi

6. Guddiyadii Qaranka gaar ahaan Guddiga Doorashaooyinka oo la rabo in laga dhigto buundo loogu gudbo in lasii hayo Hoggaanka Wadanka, taasoo ka dhigan Abuuris jawi  kali-tisnimo oo loo maray Hay’adihii Dowladda, lana huwiyay sharciyad aan ka turjumeyn danta shacabka iyo Qaranka Soomaaliyeed.

WAXQABADKA XISBIGA:

Guddoomiyaha Xisbiga Kulan, C/qaadir Maxamed Cusmaan (Barnaamij) & Gudoomiyaha Xisbiga ee Gobolka Banaadir, Prof Maxamed Macalin Cumar Meyre oo ka Hadlayay Wax-qabadka Xisbiga Kulan mudadii uu jiray ayaa  tilmaamay:

1. In Xubinamada Xisbiga ay korortay 150% Gudaha Dalka iyo Dibadiisaba.

2. Dhanka Xiriirka Xisbigu la leeyahay Xisbiyada kale ee Dalka ka jira oo Xoogeystay, iyadoo in la xuso ay mudan tahay in Xisbiga Kulan uu ka mid noqday Aasaasayaasha “Golaha Xisbiyada Soomaaliyeed” oo ay ka mid yihiin 15 Xisbi siyaasadeed, Xiriirka uu la leeyahay Xoogaga Siyaasadeedna uu sii xoojin  doono.

2. Xiriirka Dibadda ee Xisbiga Kulan ayaa kobcay; gaar ahaan Xisbiyada Dalalka Afrika, Carabta iyo Aasiya.

3. Xisbiga Kulan ayaa Tababar u Sameeyay 50 Xubnood; kaasoo Horudhac u ah Tababarro is-daba-joog ah oo loo sameyn doono Howl-wadeennada Xisbiga.

4. Nidaamka Dhaqaale ee Xisbiga ayaa si casri ah loo habeeyay; iyadoo xisbigu Shirweyne ku Qabsaday Hotel Maka Al-Mukarama iyo Xafladdii Daah-furka, kaddibna kiraystay Xaruunta Xisbiga oo ku taalla KM-4, Wuxuuna Qabtay intii uu jiray howlo badan.

5. Xisbigu wuxuu si firfircoon uga dhex muuqday Warfaafinta.

6. Waxaa kocbay tirada Haweenka iyo Dhalinyarada ee Xisbiga iyo Jagooyinka ay ka Qabanayaan Xisbiga Kulan Gudihiisa.

Dood iyo Falan-qeyn dheer oo ay yeesheen Howl-wdeennada Xisbiga Kulan Waxaa kasoo baxay:

1. Xisbigu wuxuu Shacabka Soomaaliyeed marqaati uga dhigayaa in Hoggaanka iminka uu fashilmay oo ay tahay in loo diyaar-garoobo in is-bedel la helo, Xisbigana wuxuu shacabka ka codsanayaa inay u hiiliyaan Is-bedel dhab ah oo ka dhaca dalka Sannadka 2016-ka, kaasoo ku yimaada si nabad ah.

2. Xisbiga Kulan wuxuu ugu baaqayaa Maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubba iyo sidoo kale Hoggaanka Ahlusunna Waljamaaca in wixii Khilaaf ah Wadahadal lagu dhameeyo, ayna kala shaqeeyaan iyaga iyo Maamullada kale ee dhisan inuu dalka ka dhaco is-bedel soo celiya dib-u-heshiisiintii iyo Rajadii Ummadda.

3. Xisbigu wuxuu ugu baaqayaa Shacabka Soomaaliyeed, Xoogagga Siyaasadeed ee dalka ka jira, Bulshada Rayidka, Maamul-goboleedyada, Hogaanka Ahlusunna iyo Xubnaha Baarlamaanka ee Damiirka leh, inay  si adag uga hor-yimaadaan isku-day kasta oo loo qaadayo Awood-kororsi 2016-ka iyo cid walba oo aan ku imaan doorasho xor ah oo Xalaal ah.

4. Xisbiga Kulan wuxuu Xusuusinayaa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Somalia inuu saaran yahay waajib siyaasadeed; waxaana dareemaynaa inuu waajibkaas ka gaabiyay, waxaan ugu baaqaynaa inuu la yimaado door Fir-fircoon si dalkan ay uga dhacdo doorasho xor ah; Aysanna ku fiirsan Hoggaan fashilmay oo hadda doonaya Awood-kororsi; isagoo Gabbaad ka dhiganaya Hay’adihii iyo Guddiyada Qaranka.

5. Howl-wadeenada Xisbiga Kulan ee dalka iyo dibaddiisa ku sugan waxaa loogu baaqay in dadaalkooda ku aadan ballaarinta xubnimada xisbiga ay ballaariyaan; iskuna diyaariyaan Halgan Siyaasadeed loo galo sidii Dalka Isbadal hogaamineed uu uga dhaco Sannadka 2016-ka, kaasoo hormuud uu ka yahay Xisbiga Kulan oo kaashanaya Xoogaga Siyaasadeed ee ka damqanaya dhibaatada iyo diifta Dalka iyo Dadka Gaartay laga soo billaabo 2012-kii.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya