4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 30, 2015
Shirkii looga Hadlayay Hiigsiga Somalia ee 2016 oo lagu soo Gunaanaday Muqidsho (SAWIRRO)


Khamiis, Luuliyo 30, 2015 (HOL) — Shirkiii Hiigsiga Somalia ee 2016-ka oo ka socday Magaalada Muqdisho muddo laba maalmood ah ayaa Waxaa Gellinkii Dambe ee Maanta soo xiray Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Madasha Wadatashiga Beesha Caalamka iyo Somalia (High Level Partners Forum) oo ay ka qaybgaleen Xubno ka socda Beesha Caalamka, Dowladda Somalia, Maamullada dalka ka jira Qaarkood iyo xubno kale, ayuu ka Sheegay Madaxweyne Xasan in Qabsoomidda shirkan ay guul u tahay Somalia iyo Waddamada Caalamka ee sida dhow u la Shaqeynaya Dowladda Federaalka Somalia.

“Waxaa naga go’an inaan si Wadajir ah u Wada-shaqeyno, innagoo leh hal ujeeddo oo ah dhismaha Dal Qaranimadiisa ay sugan tahay, Nabadgelyo buuxda ay ka jirto, mideysan oo lagu dhaqayo nidaamka federaalka. Waxaanan doonaynaa Somalia nabad ah, isla markaana aan wax khatar ah ku ahayn Caalamka,’’ ayuu Xasan Sheekh ku yiri hadal uu jeediyay.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa Sheegay in Go’aankii Dhawaan ay soo Saareen Goleyaasha Qaranka ee ahaa inaanay dalka ka dhici karin doorasho Qof iyo Cod ah, aysan Micnaheedu ahayn in dalka aaney wax doorasho ah ka dhici doonin.

“Waxaa jiri doona Wadatashi Qaran oo lagu go’aamin doono nidaamka doorasho ee nagu habboon. Xaaladda Dalkeenna ka jirta marnaba ma saamaxeyso in nooc doorasho Qof iyo cod ah aan ka sameyno. Ujeedkeenu ma aha inaan dooneyno in muddo kordhin la sameeyo, balse waxaan rabnaa in wadatashi loo dhan yahay lagu go’aamiyo hadba waxaan doonayno inaan ka hirgelino wadankeena. Waxaa naga Go’an inaan Dhaqan-gelinno Dib-u-heshiisiin dhameystiran iyo in Awoodda dalka si nabad ah la isugu wareejiyo,’’ ayuu madaxweynuhu hadalkiisa raaciyay.

Xiritaanka Shirka waxaa kaloo ka hadlay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Danjire Nicholas Kay iyo Mas’uuliyiin kale.

Shirkan ayaa waxaa laga soo saaray War-murtiyeed uu madasha shirka ka hor-akhriyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Hadliye Cumar.

Ugu dambeyn, Shirka Saddexaad ee Madasha Wadatashiga Somalia iyo Beesha Caalamka ayaa la isla oggolaaday in lagu qabto dalka Turkiga, Bisha Janaayo ee Sannadka soo socda 2016-ka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya