4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 30, 2015
Ururka TALIBAN oo Maanta Xaqiijiyay Geerida Hoggaamiyahoodii Hore ee Mullah Cumar


Khamiis, Luuliyo 30, 2015 (HOL) — Kooxda Taliban ee ka dagaalanta dalka Afgaanistaan ayaa markii ugu horreysay xaqiijisay Heerida Hoggaamiyahoodii Mullah Cumar oo kooxda Hoggaaminayay muddo 20-sano ah, kaddib markii ay shalay Xukuumadda Afghanistan si cad u shaacisay Geerida Mullah Cumar.

Ku-xigeenkii Mullah Cumar oo lagu magacaabo, Mullah Akhtar Mansour ayaa la sheegay in lagu bedelay xilkiisii, iyadoo suxufiyiin ku sugan Kabul ay sheegeen inay u badan tahay in tallaabadan ay kooxdu ku sheegtay geerida Mullah Cumar ay sabab u noqoto inay kala Qaybsamaan.

Sidoo kale, Dowladda Pakistan ayaa sheegtay in wadahadallo la filayay inay dhexmaraan Xukuumadda Afgaanistaan iyo Ururka Taliban Jimcaha berri ah dib loo dhigay, inkastoo aan la sheegin xilliga la isugu soo laabanayo.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan ayaa sheegtay in tallaabadan ay dib ugu dhigeen wadahadallada ay ku timid codsi kaga yimid ururka Taliban oo la xiriira hubinta Geerida Hoggaamiyahoodii hore.

Xukuumadda Afgaanistaan ayaa shaacisay in Mullah Cumar uu ku Geeriyooday laba sano ka hor Isbitaal ku yaalla Pakistan; Laakiinse xukuumadda Pakistan ayaa diidday in Madaxii Taliban uu ku geeriyooday dalkooda.

Ugu dambeyn, War-saxaafadeed uu Maanta oo Khamiis ah soo saaray Ururka Taliban ayay ku Xuseen in Hoggaamiyahoodii hore uu Geeriyoday, balse ma sheegin sababta kalliftay in uu geeriyoodo, inkastoo wararka qaarkood ay sheegayaan inuu Xanuun u Geeriyooday.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya