4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 30, 2015
Shirkada Diyaaradaha Kenya Airweys oo Maanta Shaacisay inuu lasoo darsay Khasaare Xooggan


Khamiis, Luuliyo 30, 2015 (HOL) — Madaxda Shirkadda Diyaaradaha ee Kenya Airways ayaa shaaciyay in sannadkan uu lasoo gudboonaaday khasaarihii ugu xoogga badnaa ee ay abid la kulmaan, iyagoo xusay in sababta khasaarahan ay tahay dalxiisayaashii Kenya iman jiray oo hoos u dhacay.

Agaasimaha Waaxda Maaliyadda Shirkadda Kenya Airways, Alex Mbugua ayaa sheegay in khasaaraha shirkadda soo gaaray uu dhan yahay 290-Milyan oo Doollarka Mareykanka ah sannadkihii 2014-ka iyo 2015-ka, isagoo Xusay in tani ay tahay khasaarihii ugu badnaa ee ay la kulmaan Abid.

Dalalka Reer Galbeedka Qaarkood ayaa uga digay dalxiisayaashooda inay Kenya tagaan, sababo la xiriira weerarrada ay kooxaha argagaxisada ah dalkaas ka geysanayaan, kuwaas oo xoogeysatay sannadihii lasoo dhaafay.

Alex Mbugua ayaa intaas ku daray in diyaaraddooda ay tartan xoog leh kula jirto diyaarado kale oo caalami ah, kuwaasoo ay ka mid tahay kuwa dalalka ku yaalla Khaliijka Carabta, isagoo intaas ku daray in diyaaradaha ay tartanka xoogga leh kula jiraan ee Afrika ay tahay Ethiopian Airlines.

Sidoo kale, Mbugua ayaa xusay in diyaaradahoodu ay dalxiisayaal fara badan Kenya keeni jiray, kuwaasoo hadda aan dalka imaan, isagoo intaas ku daray in wadamo ay ka mid tahay Britain ay muwaadiniinteeda uga digtay inay booqdaan Kenya.

“Hoos-u-dhaca dhaqaale ee Kenya Airways waxaa sabab u ah dalxisayaashii ka imaan jiray Yurub oo hoos u dhacay, sababo la xiriira digniino ku aaddan inay Kenya booqdaan, balse sannadkan dhammaadkiisa iyo sannadka soo socda ayaan filaynaa inay dib u billowdaan,” ayuu hadalkiisa ku daray Ngunze.

Mas’uulkan wuxuu hadalkiisa ku daray inay Shirkad fadhigeedu yahay magaalada Qaahira oo ka shaqeysa dhoofinta iyo dajinta oo lagu magacaabo ‘Afreximbank’ ay 200-Milyan oo doollar oo dayn ah ay ka dalbadeen, taasoo ay dib ka gudi doonaan. Isagoo yiri. Muhiim ayay noo tahay maal-gelintan.”

Saamileyda Kenya Airways ayaa Hoos u dhacay 50% Shantii bilood ee lasoo dhaafay, taas oo ay sabab u tahay Cabsi laga qabo khasaare Shirkadda ku yimaada, iyadoo la sheegayo in saamileyda ay khasaareen midkiiba hal doollar.

Dhanka kale, Chris Kirubi oo ah Madaxa Shirkadda Maal-gashiga Kenya ee ‘CENTUM’ oo ka mid ah Shirkadaha Saamiga ku leh Kenya Airweys ayaa ku baaqay in diyaaradaha gaoobay ee shirkadda la iibiyo, si dhaqaalaha dib loogu soo celiyo.

“Ma awoodid inaad ku ganacsato lacag dayn ah oo lagu siiyo, waayo tani waxay saameyn xooggan ku yeelanaysa Ganacsiga Kenya Airways, saamileydana ma helayaan dhaqaale,” ayuu yiri Chris Kirubi.

Kenya Airways ayaa sannadkii 2013-kii soo iibsatay Diyaarad Casri ah oo Booceedu yahay Boeing 787 Dreamliner, iyadoo muddo yar kaddib ay iyadana soo iibsatay diyaarad noocan oo kale ah shirkada diyaaradaha Ethiopian Airlines.

“Diyaaraddan waxaan u soo iibsannay si aan u kordhino diyaaradaheenna iyo inaan helno dakhli fara badan,” ayuu yiri Mbugua, oo intaas raaciyay inay qorsheynayeen in diyaarado kale oo cusub ay soo iibsadaan.

Ugu dambeyn, Diyaaradaha Kenyan Airways ayaa lagu Wadaa inay Billaabaan Dhawaan duulimaadyo toos ah oo ay ku Tagayaan Dalka Mareykanka, kaddib markii Madaxweyne Barack Obama uu sheegay in labada dala ay arrintan ka arrinsan doonaan, kaddib booqasho uu Toddobaadkan ku tagay Nairobi.

Si kastaba ha ahaatee, Mas’uuliyiinta Shirkadda Diyaaradaha Kenya Airways ayaa sheegay in hoos u dhaca uu yahay saamiley kasta 1%, taasoo u dhiganta 101.4 Shillinka Kenya ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya