4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 30, 2015
Ergada ansixineeysa dastuurka Jubbaland oo ka dooday qodobada ku xusan dastuurka


Khamiis, Luuliyo 30, 2015 (HOL) — Shirka ka doodista dastuurka Jubbaland oo shalay ka furmay magaalada Kismaayo ayay maanta ergada ka qeybgaleeysa shirka waxa ay uga doodeen qodobada ku xusan qabyo-qoraalka dastuurka Jubbaland.

Ergada oo gaareeysa 300 ayaa waxaa ay maanta koox koox uga doodeen qodobada ku qoran dastuurka Jubbaland, iyagoo aragtidooda ku aadan qodobadaasi u gudbiyay gudiga gacanta ku haya howsha diyaarinta dastuurka Jubbaland.

Wasiiru dowlaha madaxtooyada Jubbaland Mudane C/qani Cabdi Jaamac oo ka warbixinayay howlihii maanta qabsoomay ayaa sheegay in ergadu ay gudida u gudbiyeen afkaartooda ku aadan qodobada ku xusan dastuurka, isagoo sheegay in maalinta berito ah la guda geli doono ansixinta dastuurka.

Wasiirka madaxtooyada Jubbaland ayaa sheegay in dastuurkani noqon doono mid KMG ah, dhawaanna lagu wareejin doono gudoonka baarlamanka Jubbaland si uu ugu bandhigo xubnaha baarlamanka.

Shirkan lagu ansixinayo qabya-qoraalka dastuurka Jubbaland ayaa waxaa la filayaa in lasoo gabagabeeyo maalmaha foodda nagu soo haya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.